Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu RW Xamse kala hadlay wafdigii uu horkacayey Abdul Amiir?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Ciraaq Mudane Cabdul Amiir Al-Shammari, oo maanta booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Ciraaq, iyadoo si gaar ah looga hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, tababarrada ciidamada iyo isdhaafsiga khibradaha.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Wasiirka iyo wafdigiisa, isagoo ku bogaadiyey booqashada uu ku yimid dalka, waxa uuna xusay in booqashadani ay tahay tallaabo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dal.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq Mudane Cabdul Amiir Al-Shammari, ayaa muujiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya, waxa uuna ballan qaaday in la dar-dar gelinayo iskaashiga labada dal, si gaar ah dhinacyada amniga, socdaalka, waxbarashada iyo tababarrada laamaha ammaanka.

Related posts

Bilowga Mashaariicda JPLG-da ee Sannadka Cusub oo Maanta La Kala Saxeexday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xogta kulan dhexmaray Guuleed iyo Masuuliyiin ka tirsan dowlada Finland (Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo maalmo kadib ku laabtay Kismaayo laguna soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---