Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka Mustafe Cagjar oo xirxiray xubno ka tirsan Jabhada ONLF

Wararka laga helayo magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada booliska deegaankaasi ay weerar ku qaadeen xafiiska Ururka ONLF (Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya), xilli uu shir ka socday halkaas.

Xubnihii ku sugnaa xafiiska ayaa la sheegay in la xiray, iyadoo wararka qaar ay tilmaamayaan in qaar ka mid ah la jirdilay islamarkaana ay dhaawacyo soo gaareen.

Ururka ONLF ayaa si adag u cambaareeyay tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay xadgudub sharci darro ah oo ka dhan ah xuquuqda shacabka deegaanka iyo nabadgelyada ururka.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmeysa xilli ONLF ay dhaliil xoogan u jeedineysay dowladda Itoobiya, gaar ahaan ku xadgudubka heshiiskii nabadeed ee 2018.

Dowlad-Deegaanka Soomaalida – Maamulka uu hoggaamiyo Mustafa Cagjar ayaa qaaday tallaabooyin adag oo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka, iyadoo kumannaan askari oo boolis ah la geeyay magaalada Jigjiga.

Goobjoogayaal iyo ilo maxalli ah ayaa sheegay in magaalada ay ka socoto cabsi gelin ballaaran, iyadoo si gaar ah loo beegsanayo dadka aragtidooda ka dhiibta maamulka, suxufiyiinta madaxabannaan, iyo dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha. Waxaa soo kordhaya wararka sheegaya xarigyo aan sharciyad haysan, cadaadis joogto ah iyo jirdil loo geysto dad lagu eedeeyay inay kasoo horjeedaan maamulka Cagjar.

Magaalada Jigjiga waxaa lagu qabtay maalin ka hor shir la sheegay in Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax) loo magacaabay “guddoomiye cusub” oo ONLF. waxaana talaabadan gadaal ka riixayey maamulka degaanka oo ujeedkiisu ahaa inuu ku kala qeybiyo ururka.

Arrintan ayaa si weyn looga gilgishay gudaha iyo dibadda, waxaana loo arkaa isku day foolxun oo lagu marin habaabinayo shacabka, laguna kala jarayo midnimada ururka.

Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo ay si isa soo taraysa mucaaradku u dhaleeceynayaan hab-dhaqanka xukuumadda degaanka. Ilo-wareedyo maxalli ah ayaa sheegay in la kordhiyay kormeerka lagu hayo guryaha ay ku sugan yihiin xubnaha mucaaradka ah waxaana la kordhiyay dhaqdhaqaaqyada lagu cabburinayo suxufiyiinta, iyo dadka u dooda xuquuqda aadana, iyo cid kasta oo muujisa aragti ka duwan tan maamulka.

Maamulka Mustafe Cagjar ayaa wajahaya eedeymo isa soo taraya oo la xiriira in uu ku socdo dariiqii maamulkii hore ee Cabdi Iley oo lagu xasuusto caburin, xadgudubyo bini’aadantinimo, iyo xukun ku saleysan qabiil. Dadka deegaanka ayaa hadda ku eedeynaya xukuumadda Mustafe musuqmaasuq, caddaalad darro bulsho oo xad dhaaf ah.

Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Mustafa Omer) ayaa  wuxuu ku tilmaamay eedeymaha lagu soo oogayo xukuumaddiisa kuwo “been abuur ah” oo ay sameeyeen “dad ceeboobay” oo doonaya inay “isku maydhaan” dhacdooyin hara.

“Hadii tacadiiyadii badheedhka ah ee nidaam ahaan loo geeysanayay Deegaanka ka dhamaadeen, balse kuwii shalay ceeboobay maanta raadinayaan dhacdooyin ay isku maydhaan oo ay mase aan jirin ku abuuraan, sidan eega wax yihiin ee ah in la sawirto ama waji kale loo yeelo nin fooq iska soo tuuray, islaan ninkeedii dishay, iyo qof dar ilaahay u dhintay, armay uga hawl yar tahay in xabaalaha Jigjiga ee maalin walba maydka la geeyo in ay ag fadhiistaan oo waxaa ciida lagu rogayo oo dhan u tirsadaan cadaymaha “gumaadka” dhulka ka socda? ”

“Waa wanaag maanta in aan marayno wad-diidnimo, balse waaqici ma tahay in aan cidna dar ilaahay iyo wakhtigeedii dhiman? ”

Hadalkan, oo si ballaaran u faafay, ayaa si weyn u taabtay dareenka bulshada – iyadoo dad badan u arkeen in uu yahay kaftan naxariis-darro ah oo laga sameeyay dhiigga shacabka, maydka maalin walba la geeyo xabaalaha Jigjiga, iyo qoysas xanuunsanaya oo aan wali helin caddaalad.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay kuwa cambaareynaya in ay yihiin dad ka faa’iidaystay nidaamkii hore ee kali-talisnimada ku dhisnaa, isagoo meesha ka saaray dhammaan eedeymaha ku aaddan xadhigyada sharci darrada ah, caburinta siyaasadeed, iyo weerarradii tooska ahaa ee lagu qaaday ururrada sida ONLF.

 

Related posts

Xiisad u dhaxeysa ciidamada Hirshabelle iyo kuwa Janaraal Xuud oo ka taagan Baladweyne

Cabdi Cade

Kheyre oo la kulmay Ganacsato ka cabaneysa Canshuur kordhin (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada booliiska oo gacanta ku dhigay nin qarax ku xiray Gaari uu leeyahay masuul 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---