Ciidanka Ilaalinta Xeebaha Boliiska Soomaaliyeed (SPCG) ayaa ka qeybgalay dhoolatus badeed oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Gaarka ah ee Hawlgalka EUNAVFOR ATLANTA, gaar ahaan markabka dagaalka ESPS Reina Sofía.
Dhoolatuska ayaa ka dhacay xeebaha Gobolka Banaadir.
Howlgalka tababarka ah ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xirfadaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo iskaashiga caalamiga ah ee amniga badda.
Tababarku wuxuu diiradda saaray VBSS (fuulista iyo baarista maraakiibta), TCCC (daryeelka degdegga ah ee dhaawacyada), iyo isuduwidda howlgalada badda iyadoo la adeegsanayo barnaamijka IORIS.
Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Salah Ahmed Jama, waxaana wehelinayay Taliyaha Ilaalada Xeebaha, G/Sare Bashiir Cabdi Qaasim. Dhoolatuskan ayaa xoojinaya diyaargarowga ciidamada badaha iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo saaxiibadeeda.
“Waxa aan maanta kormeeray tababbar wadajir ah oo Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Booliiska Soomaaliyeed iyo Hawlgalka Atalanta ee Ciidanka Badda Midowga Yurub ay ku sameeyeen dusha markabka ESPS Reina Sofía, Intii aan kormeerka ku jiray waxa aan kulan miradhal ah la yeeshay Danjiraha Midowga Yurub, Karin Johansson, Danjiraha Iswiidhan, Joachim Waern, iyo saraakiisha Hawlgalka Atalanta ee Ciidanka Badda Midowga Yurub, annaga oo ka wada hadalnay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee amniga badda” ayuu yiri Salax Jamac