Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka qaybgalay munaasabad ballaadhan oo lagu daah-furayey Barnaamijka waxqabadka xukuumaddiisa ee Boqolka maalmood ee xukunkeeda ugu horreeya.
Munaasibadda bandhigga barmaamijka waxqabadka xukuumadda ee Boqolka maalmood ee ugu horreeya oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen guddoomiyaha xisbiga WADDANI, xubno kamid ah golaha wasiirrada, Xildhibaanno, madax-dhaqameed, haldoor iyo siyaasiyiin, ayaa diiradda lagu saaray waxqabad muddo kooban ugu hirgalay xukuumadda oo ay ugu mudan yihiin waxaa loogu yeeray Difaaca iyo ilaalinta qarannimada, dawlad-wanaagga iyo dib u habaynta Garsoorka, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumar ballaadhan oo laga gaadhay siyaasadda arrimaha dibadda sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Hargeysa.
“Xukuumadda oo u heellan ka midho dhalinta hiraalka madaxweynaha ee ah in la abuuro Somaliland dawladnimadeedu cago adag ku taagan tahay, ayaa madasha caawa kusoo bandhigtay tallaabadii koowaad ee ay ballanqaadyadii madaxweynaha ficil ugu beddelayso, taas oo ah marag muujinaya sida ay uga go’an tahay in la dhaliyo isbeddel togan, lana ilaaliyo wadajirka ummadda” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada.
Wasiirrada Wasaaradaha madaxtooyada, Duulista iyo warfaafinta oo munaasibadda hadallo ka jeediyey, ayaa si gaar ah uga xog-warramay waxqabadka qotoda dheer ee xukuumaddu ku tallaabsatay muddadii koobnayd ee ay jirtay iyo meelaha mudnaanta gaar ahaaneed la siiyey.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo goobta ka hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay in xukuumadda wada-jir iyo waxqabad wax badan ka qabatay ballamihii ay bulshada u qaadday, islamarkaana ay ka go’an tahay dhammaystirka waxyaabihii shacabka loo ballanqaaday waqtigii ololaha.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo munaasibadda soo gunaanaday, ayaa soo dhaweeyey dedaalka xukuumadda uu hoggaamiyaa ku tallaabsatay muddadii koobnayd ee ay xukunka haysay iyo sida ay ugu guulaysatay inay hirgeliso qaybo badan oo kamid ah waxyaabihii muhiimka ahaa oo hortebinta u lahaa, isaga oo guul ku tilmaamay inay muuqato yididiilo iyo rejo weyn oo muujinaysa in shaqadu ku socoto jidkii loo qoondeeyey.