Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo caawa mid ka mid ah isbitaallada Muqdisho ku booqday dhaawacyadii ciidabka xoogga dalka & macawiisleeyda deegaanka War-gaadhi ee sida adag isaga difaacay Muqdisho.
Ugu horeyn Agaasimaha Isbitaalka Erdogan Maxamed Xuseen Ashraf ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey xaaladda caafimaad ee dadka deegaanka ee ku dhaawacmay difaaca War-gaadhi.
Cali Guudlaawe oo mid mid u booqday dhaawacyada ayaa weydiiyey xaaladooda caafimaad iyo baahida ay qabaan.
“Wax walba oo badbaadadooda ah ayaan u hureynaa dadka deegaanka ee dagaalka adag kula jiro Khawaarijta. Dhawaacyada aan dalka wax looga qaban karin dalka dibaddiisa ayaan u qaadeynaa.” ayuu yiri cali Guudlaawe
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa tilmaamay inaysan marna ka niyad-jebi doonin dagaalka al shabaab wuxuuna sidoo kale balan-qaaday iney ka warqabi doonaan qoysaska ay ka tageen askarta ku dhimatay dagaalka.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA