Allbanaadir.com
NEWSXULKA

Dagaalka Gaas iyo Camey : Fashil Siyaasadeed mise Faragalinta dowlada Federaalka ?

Siyaasiyiinta Soomaalida waxaa dhaqan soo jireen ah u noqday in Fashilkooda Siyaasadda ay ku eedeeyaan dushana u saaraan Cid kale, ugana baxsadaan Mas’uuliyaddii ay Dadka iyo Dalka u qaadeen. Waxaana Tusaale kooban u qaada karnaa;

1. Jabhaddii USC markii ay ku fashilantay Xasilinta iyo Hoggaaminta Dalka waxa ay eeddii fashilka dusha u saartay Saaxibadood SULUX iyo MAANAFEYSTO!


2. Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad waxa uu eeddii fashilkiisa dusha u saaray Qab-qableyaashii ilma adeertiis ee Xamar iyo R/Wasaarihiisii Xasan Abshir oo ka goostay markii uu tabar dhigay!


3. Qab-qableyaashii Xamar ayaa eeddii fashilkooda dusha ka saaray dawladdii ay Waziirada iyo Xildhibaanada ka ahaayeen ee Madaxweyne Cabdullahi Yusuf AUN markii ay doorteen kadibna ay la heshii-waayeen!


4. Madaxweyne Cabdullahi Yusuf ayaa fashilkiisii ku eedeeyey R/wasaare-yaashiisii Cali Maxamed Geedi iyo Nuur Cadde oo isagu doortay kadibna is khilaafeen!


5. Maxkamadihii ayaa fashilkoodii ku eedeeyey Dawladdii Federaalka oo ay la heshii-waayeen, kadibna ku dalbatay dowlada Ethiopia!


6. Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa fashilkiisii ku eedeeyey saaxibadiis Xizbul-Islaam iyo Al-Shabaab oo la dagaalay iyo R/Wasaarihiisii Gaas oo la tartamay!


7. Madaxweyne Xasan Sheakh ayaa Fashilkiisii Siyaasadda ku eedeeyey R/Wasaarihiisii ugu danbeeyey oo la tartamay iyo kuwii ka horeeyay ee uu la heshii-waayey!

Filimkaas oo kale ayaa maantana ka socda Gobalada Dalka sida:

1. Madaxweyne Xaaf oo ku xigeenkiisii Carabey ku eedaynaya Xamar ayaa laga soo diray, markii uu ku fashilmay in uu la heshiiyo taladana la qeybsado?

2. Shariif Xasan oo khilaafay Dastuurkiisii ku xigeenna aan sameysan 4 sano ayaa ku eedeeyay Xamar in ay ka qaadatay Xildhibaanadii uu Gacantiisa ku qortay, Guddigii uu Gacantiisa ku Magacaabay iyo Guddoonkii Barlamaankiisa ee uu Qalinkiisa ku xushay?

3. Gaas ayaa ku xigeenkiisa Camey ku eedeeyay in Xamar laga soo diray lana rabo in Puntland lagu bur-buriyo! Camey ayaa ku Jawaabay in Gaas iyo Farmaajo ay iska xigaan saaxiibana horey u ahaayeen, Xamarna ay Siyaasadda iskala soo bilaabeen! Iyaga oo ay u hartay hal bil kaliya ayey muuqataa in ay kala quusteen!

4. Axmed Madoobe ayaa laga yaabaa in uu maalmaha soo socda ku eedeeyo ku xigeenkiisa Maxamud Sayid fashilkiisa Gedo!

Hadaba goormee ayaan gaari doonaa in Siyaasiyiinta Soomaaliya ay dusha saartaan Mas’uuliyadda Fashilka Hawshii loo Igmaday haddii ay ku fashilmaan, iyaga oo aan Cid kale kula meereysan?

Siyaasiga ah Madaxweyne, Gudoomiye Gole, Gudoome Xizbi iwm! Haddii uu Qanci waayo ku xigeenkiisa kaliya sidee ayuu Dal iyo Dad u Hoggaamin karaa?

Camey iyo Carabey Madaxda Xamar ka hor ayey joogeen Gobalada xilna haayeen ee sidee looga watay looguna diray?

Sow Madaxweyne-yaashu ugama dhawayn Xamar ku xigeenada maxey ugu eedeeynayaan! Mise Cudurka fardaha ayey ka Gubayaan Dameeraha?

W/Q Dr Maxamed Nuur Gacal

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari 19-sanno katirsanaa ciidanka dowladda lana shaqeenayay Al Shabaab oo xukun lagu riday

Cabdi Cade

Ciidamo diidan muddo kororsiga Laftagareen oo Baydhabo looga dhawaaqay

Caydiid Ali

Al Shabaab oo saakay weerar isugu jira Qaraxyo iyo mid toos ah ku qaaday saldhig ciidan oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---