Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Arrimaha Gudaha Ciraaq oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Ciraaq Mudane Abdul-Amir Al-Shammari, ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya,

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Cali Xoosh, Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, Saraakiil iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Ciraaq Mudane Cabdal Amiir ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loogu sameeyay isaga iyo wafdigiisa magaalada Muqdisho, isagoo xusay iney Somalia u yimaadeen xoojinta xiriirka & iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Cabdal Amiir Iyo wafdigiisa ayaa dhowr maalmood joogi doona dalka, iyagoo kulamo la qaadan doona madaxda sare ee dalka iyo saraakiisha dowlada kuwaasoo la xiriira xiriirka iyo wax wada qabsiga dalka.

Waa wafdigii ugu sareeeyey dalka Ciraaq ee soo booqda Somalia tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii dowladii hore, dhowaan ayeyna aheyd markii uu dalkaas booqasho ku tagay wasiirka amniga gudaha ee Somalia C/llaahi Shiikh Ismaaciil fartaag iyo wafdi uu horkacayey.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Wada hadal xal loogu raadinayay Xiisada u Dhaxeysa Farmaajo iyo Mursal oo fashilmay

admin

Puntland oo amar cusub ku soo rogtay Masaajidada & dugsiyada Quraanka

Caydiid Ali

Xogta kulan Aadan Madoobe la qaatay wafdi ka socda dowlada Ciraaq (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---