Allbanaadir.com
NEWS

Go’aano ka soo baxay howlgalka ciribtirka Daacish & Deni oo..

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka, Maxamed Baari Shire, ayaa shir-Guddoomiyey Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee (Hillaac) oo wejigii saddexaad marayo meel gebogebo ah.

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka, ayaa Madaxweynuhu warbixin uga dhegaystay masuuliyiinta, wuxuuna boggaadiyay shaqada la qabtay iyo qorsheyaasha lagu dhameystirayo hawlgalka.

Go’aamada kasoo baxay Shirka :

  1. Waxaa la faray Laamaha Amniga in tallaabo adag laga qaado Hubka sharci darada ah, Gaadiidka lagu keeno iyo cidkastoo ku lug leh.
  2. Waxaa markale lagu celiyay mamnuucida Ajaanibta Sharci darada kusoo gelaysa Puntland iyo qulqulka tahriibta, masuuliyiinta heer degmo, Gobol iyo saraakiisha Amniga waxaa la farayaa in ay ka hawlgalaan qululka tahriibta .
  3. Illaa Amar danbe waxaa Gaadiidka Badda (Saxiimadaha/ Doonyo) ee rakaabka iyo xamuulka laga mamnuucay xeebaha deegaannada hawlgalku ka socdo, wixii xaalad gaar ah waxay ku safrayaan ogolaansho.
  4. Waxaa la joojiyay in wax Raashin iyo sahay ah oo aan ogolaansho haysan, ama la aqoon meesha ay u socoto, u gudbaan deegaannada hawlgalku ka socdo.

Kulanka waxaa lagu boggaadiyay shacabweynaha Puntland, dalka iyo dibaddaba sida ay garab istaaga ugu muujiyeen Ciidankeenna geesiyaasha ah ee hawlgalka kujira, waxaana lagu booriyey in ay halkaasi kasii wadaan garab istaaga Hawlgalka.

 

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ( Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Gudoomiyaha Aqalka sare oo War kulul kasoo saaray Go’aankii Xukuumada kasoo baxay

Cabdi Cade

Weerar Qorsheesan oo ka dhacay Toora Toorow iyo Mareykanka oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---