Madaxweynaha Burkina Faso, Ibrahim Traoré, ayaa ka badbaaday isku day dil oo lagu qaaday xilli uu marayay magaalada Ouagadougou. Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday kolonyadiisa, iyagoo adeegsaday hub culus iyo qaraxyo.
Weerarkan oo dhacay habeenkii Arbacada ayaa sababay dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah ilaaladiisa, hase yeeshee madaxweynuhu waa uu badbaaday. Ciidamada ammaanka ayaa si degdeg ah uga hortagay weerarka, iyadoo weeraryahannadu goobta ka baxsadeen markii ay la kulmeen iska caabin xooggan.
Isku daygan ayaa noqday kii 19-aad oo lagu dilo madaxweynaha tan iyo markii uu xukunka la wareegay 2022. Dowladda ayaa cambaareysay falkan, waxayna sheegtay in uu yahay dadaal lagu carqaladeynayo xasilloonida dalka, iyadoo laga shakisan yahay kooxo mucaarad ah oo taageero ka helaya dhinacyo shisheeye.
Madaxweyne Traoré ayaa horey u sheegay in khiyaano qaran ay noqon doonto dambiga ugu weyn, wuxuuna ballanqaaday in lala xisaabtami doono cid kasta oo qalalaase hurinaysa. Isku dayada dilka ah ayaa muujinaya culeyska siyaasadeed iyo amni ee uu dalka la daalaa dhacayo.
Traoré oo ah sarkaal da’yar oo xukunka ku qabsaday afgembi ayaa yeeshay cadow badan yeeshay ka dib markii uu dalkaas ka eryey ciidamada faransiiska oo dalkaas horey u gumeysan jiray, wuxuuna ka hor yimid Mareykanka iyo reer galbeedka isagoo xiriir la sameystay Ruushka, waana Maadaxweyne ay jecel yihiin shacabkiisa oo dalkaas gaarsiiyey horumar la taaban karo.