Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi caan ah oo ka hor yimid heshiiska shidaalka DF & Turkiga

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka tirsan Golaha Shacabka Somalia kana tirsan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa soo saaray War saxaafadeed uu ku dhaliilay heshiiska soo saarida shidaalka ee Somalia la gashay Turkiga.

“Heshiiska qarsoodiga ah ee dhaxmaray Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga wuxuu toos uga hor imaanayaa Sharciyada iyo Xeerarka Kheyraadka dabiiciga ee uu Baarlamaanku meelmariyey ee dhigaya in heshiis walba oo la xiriira shidaal qodis, sahamin ama baaris uu noqdo mid daahfuran, laga dooday, la qiimeeyay, laguna heshiiyay ayna meelmariyeen labada aqal ee Baarlamanka” ayaa lagu yiri War saxaafadeed uu soo saaray Xisbiga Wadajir ee uu hogaamiyo C/raxmaan C/Shakuur.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XISBIGA

Related posts

(Daawo Sawirro) Danjire Olgan Bekar oo booqday Xabsiga dhexe ee Xamar, lana gudoonsiiyey..

Caydiid Ali

Xuutiyiinta oo weeraray markab ku soo jeeday Somalia

Caydiid Ali

Doorashada kursi ka banaan Golaha shacabka oo maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---