Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiiradda oo bogaadiyay guulo ay gaareen ciidanka xoogga

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay guulaha ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanka oo toddobaadkan guulo taariikhi ah ka soo hooyay furimaha dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.

Shirka Golaha oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga, guulaha laga gaaray furimaha dagaalka, iyo sidoo kale hawsha iyo dadaalka ay waddaan guddiga taakuleynta dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Dhinaca kale Golaha ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka wax ka beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda oo qeexaya dib-u habeynta nidaamka shaqo iyo ilaalinta xuquuqda Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda, isaga oo la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP 2025-2029).

Related posts

Ruushka iyo Taliban oo ka hadlay xanta sheegaysa iney wada shaqeeyaan

Caydiid Ali

Dowladda oo Bangiga Adduunka kala hadashay arrimo badan oo Soomaaliya dan u ah

Cabdi Cade

Maxaa talaabo looga qaadi waayey Shirkadaha Forex-ka ee ku soo batay Muqdisho?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---