Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo dib ula wareegay Wargaadhi iyo Shabaab badan oo la laayay

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo is garabsanaya, ayaa goordhaw dib ula wareegay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas oo saakay kooxda Al Shabaab kusoo qaadeen weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah  .

Kooxda Al Shabaab ,ayaa weerarka kaddib u suurto gashay in ay la wareegaan deegaanka Wargaadhi, gaar ahaan saldhigyadii ciidanka xoogga dalka kaga sugnaayeen, waxa ayna kooxda halkaasi ku dileen askar, iyaga oo sidoo kale gubay qeybo kamid ah saldhigga iyo garoonkii halkaasi ku yaallay.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo weerar rogaal celis ah qaaday ayey u suurto gashay in ay dib ula wareegaan deegaanka Wargaadhi, waxa ayna ciidamada halkaasi ku dileen xubno badan oo katirsanaa kooxdii Al Shabaab ee saakay weerarka soo qaaday.

Abaanduulaha Guutada 18-aad ee Gorgor Maxamed Ibraahim Intarfeer, oo warbaahinta dowladda la hadlay, ayaa sheegay in ciidankooda gacanta ku hayaan deegaanka Wargadahi, waxa uuna sheegay sargaalkan in Al Shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay weerarkii ay saakay kusoo qaadeen.

Meydadka askartan katirsan ciidanka dowladda oo lagu dilay weerarkii saakay iyo kuwa ay ka carareen kooxda Al Shabaab ayaa yaalla deegaanka Wargaadhi, waxaana wali socda howlgallo ay wadaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Deegaanka Wargaadhi ay ciidanka dib ula wareegeen ayaa ah taliska ugu weyn ee ciidanka dowladda ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana deegaankan ku yaalla garoon diyaaradeed oo loo adeegsado weerarada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Markab shixnad milateri u wada israel oo ku xirtay Masar

Caydiid Ali

Dood Qaran: Xiriirka iyo Wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada (Sawirro)

admin

Shiikh Shariif: “Taag-darida dowlada hadda jirta ayaa igu dhalisay inaan Siyaasada ku soo laabto”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---