Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo guulo ka sheegatay dagaalkii Wargaadhi xilli Al Shabaab ay soo…

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, ayaa guulo ka sheegtay weerar xooggan oo saakay kooxda Al Shabaab kusoo qaadeen saldhigyo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ku lahaayeen deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka, Jeneraal Sahal Cabdullahi Cumar, oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay jab xooggan gaarsiiyeen kooxdii Al Shabaab ee saakay weerarka kusoo qaaday deegaanka Wargaadhi.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidanka xoogga dalka iska caabiyeen kooxdii Al Shabaab ee weerarka kusoo qaaday, waxa uuna intaa ku daray in  hadda qiimeenayaan khasaaraha dagaalka saakay ku gaarsiiyeen kooxda Al Shabaab .

Hadalka taliyaha ciidanka Soomaaliya kasoo yeeray, ayaa kusoo aadaya xilli kooxda Al Shabaab saakay la wareegeen talisyadii ciidanka xoogga dalka ku lahaayeen deegaanka Wargaadhi, waxa ayna kooxdaasi soo bandhigeen sawirada saldhigga ay qabsadeen iyo sidoo kale askar ay dileen.

Dowladda Soomaaliya, ma xaqiijin in ay dib ula wareegtay deegaanka Wargaadhi oo ahaa taliskii ugu weynaa ee ciidanka xoogga dalka kaga sugnaayeen gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana taliskaasi ku sugnaa ciidamada Danab ee Mareykanka tababaray oo si weyn u hubeesnaa.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Geelle & Madaxda IGAD oo qaabilay hogaamiyaha SSC (Sawirro)

Caydiid Ali

Biyo Mareen looga saarayo biyaha Fariista Warta KM-4 oo xariga laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii Tukaraq iyo khasaare badan oo ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---