Kooxda Al Shabaab, ayaa lasoo sheegayaa saakay la wareegeen deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas ay horey u joogeen ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya ee Danab iyo Gorgor , oo garab ka helayay ciidamo deegaanka ah.
Warar soo baxaya , ayaa sheegaa in kooxda Al Shabaab oo saakay dhoor jiho ka weerartay deegaankan ay u suurto gashay in ay la wareegaan saldhigyadii ciidanka joogeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo dhiig badan ku daatay.
Deegaanka Wargaadhi, ayaa ahaa taliska ugu weyn ee ciidamada xoogga kaga sugnaayeen gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana deegaankan joogay ciidamada ay tababareen Mareykanka iyo Turkiga, waxaa sidoo kale ku yaallay garoon laga hago diyaaradaha dagaalka ee duqeeya Al Shabaab.
Qabsashada deegaanka Wargaadhi ee kooxda Al Shabaab ayaa noqoneysa guuldarro kale oo weyn oo lasoo darista ciidanka xoogga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka, waxa uu sidoo kale qabsashada deeganakan ay joogeen ciidan xoog badan niyad jab-ku abuurayaa ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka.
Deegaanka Wargaadhi ee la qabsaday , ayaa muhiim u ahaa dowladda Soomaaliya , waxa uuna deegaankan isku xirayay deegaanno kale oo dowladda gacantooda ku jira, kuwaa ay suurto gal tahay in ciidamada ka baxaan , si aysan ugu go’doomin.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com