Allbanaadir.com
NEWS

Somalia oo 34 sano ka dib soo celisay adeeg caalami ah

Soomaaliya ayaa 34 sano ka dib markii ugu horeysay dalka ka hirgelisay Maamulka tooska ah ee Boostada caalamiga ah..

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍 𝐌𝐀𝐂𝐀𝐋𝐋𝐈𝐍 (𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈), waxa uu hambalyeynayaa shacabka Soomaaliyeed, kaddib guushan taariikhiga ah 34 sano kadib  ee uu dalku ka gaaray hirgelinta maamulka tooska ah ee boostada caalamiga ah.

Guushan lama huraanka u ah adeegga boostada, waxa ay ka dhigan tahay in Adeegga Boostada Qaranka Soomaaliyeed (SNPS) uu si rasmi ah ula wareegay maamulka is-weydaarsiga boostada caalamiga ah, iyadoo laga bilaabo 1-da May 2025 ay Soomaaliya si madax-bannaan u maamuli doonto boostada soo galeysa iyo tan baxeysa, iyada oo loo marayo xarunta cusub ee is-weydaarsiga ee Muqdisho.

Wasiir 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈  ayaa xusay in guushaan soo hoyatay laga soomaray wado dheer iyo hawl badan, dadaal joogto ah, iyo geeddi-socod qaran oo ay horseed u ahayd Wasaaradda Isgaarsiinta iyo teknolojiyadda, iyadoo ay garab-taagnaayeen daneeyayaal dhowr ah oo ay ku jiraan hey’adaha dowladda, khubaro farsamo, iyo bahda boostada gudaha iyo dibadda.

Fursaddan waxay si gaar ah uga faa’iideyn doonaan ganacsatada Soomaaliyeed oo heli doona adeegyo boosto oo casri ah, degdeg ah, ammaan ah, kuna xiran shabakadaha boostada caalamiga ah. Sidoo kale, shacabka Soomaaliyeed waxay si fudud u diri doonaan una heli doonaan waraaqo, alaabo iyo fariimo muhiim ah meel kasta oo ay dunida kaga sugan yihiin.

Wasiirku waxa uu si gaar ah ugu mahadcelinayaa dhammaan cidii qayb ka qaadatay hirgelinta qorshahan, isaga oo mar labaad shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynaya guushan qaranka u soo hoyatay.

Related posts

Uhuru Kenyatta oo jeediyay hadal lagu tilmaamay inuu ka dhan yahay Soomaaliya

Cabdi Cade

NISA oo qabatay nin dil ka geysan rabay Suuqa Bakaaraha

Caydiid Ali

Ardaydii ugu badneed oo Aragga la’ oo maanta u fariistay imtixaanka Shahaadiga ee dugsiga sare (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---