Allbanaadir.com
NEWS

Yoav Gallant oo kashifay arrin ay Israel ka been sheegtay

Wasiirkii hore ee Difaaca Israel Yoav Gallant ayaa shaaca ka qaaday in sawirka caanka ah ee ay baahiyeen  ciidamada Israel, ee ay ku sheegeen  inuu yahay tunnel weyn oo ku yaalla aagga Philadelphia ee xadka la leh Masar oo dhulka hoostiisa ku yaalla tobanaan mitir uu ahaa mid been ah.

Wakaaladda Warbaahinta Israel ayaa soo xigatay Gallant oo sheegay in tunnel-kaasi uusan jirin gabi ahaanba, waxa la helayna uu ahaa god  hal mitir qoto dheer ah.

Wuxuu xaqiijiyay in sawirkaasi loo adeegsaday xilligaas si loogu suuq geeyo jiritaanka tunnel-lo ku yaalla aagga Philadelphia, loogana badbadiyo muhiimadda waddada Philadelphia si loo dib  dhigo heshiiska is-weydaarsiga maxaabiista.

Sawirkaas la sheegay wuxuu dib ugu laabanayaa Agoosto/Abriil ee hore, xilligaasoo warbaahinta Israel ay daabacday  in la helay godkan  ballaaran oo ay kooxaha Falastiiniyiinta dhiseen oo dhulka hoostiisa ah.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in la gaaray guul weyn kadib markii la helay tunnel saddex dabaq ah, iyagoo sheegay inuu qeyb ka yahay kaabayaal dhulka hoostiisa ah oo ay la yaabeen ciidamada Israel.

Gallant wuxuu sheegay in ujeedada laga lahaa daabacaadda sawirkaas ay ahayd in lagu muujiyo muhiimadda aagga Philadelphia iyo in la tuso in uu yahay marin hub loo mariyo Gaza, taasoo aan run ahayn.

Sawirka tunnel-ka ee ay daabaceen ciidamada Israel ayaa muujinayay gaari ciidan oo kasoo baxaya tunnel-ka la sheegay, balse xaqiiqadu waxay ahayd in uu yahay kanaal biyood caadi ah.

 

 

Related posts

Ciidamada Puntland oo dul tagay meydadka Daacish iyo diyaarado drones ah oo…

Cabdi Cade

Ciidanka Xoogga dalka oo burburiyey fariisimo ay laheyd Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada oo diyaarineysa Ciidamo Booliis oo sida milatariga u tababaran iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---