Macluumaad la helayo ayaa sheegaya in Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow uu sameystay shirkad cusub oo uu dhaqaale uga dhax sameysanayo hay’adda madaxa looga dhigay, kaddib markii la jaray il kale oo dhaqaale badan uu ka heli lahaa.
Mustaf Dhuxulow ayaa sameystay shirkad lagu magacaabo MEDILAB DIAGNOSTICS , taasoo la timid qorshe cusub oo ay lacag badan ku sameyn karto, lamana oga shirkadan iney waafaqsan tahay shuruucda dalka iyo madaxda dowladda Soomaaliya la ogyihiin Mustaf Dhuxulow iyo in kale.
Shirkadan ayaa la tilmaamay iney lacag gaareysa 60 dollar ka qaadeyso dadka doonaya degenaanshaha ee wata baasaboorka ajnabiga oo ay ku jiraan muwaadiinta Soomaaliyeed ee wata baasaboorada dalalka shisheeye.
Lacagtan ay qaadeyso shirkadda uu sameystay Mustaf Dhuxulow, ayaa la tilmaamay in ay tahay mid lagu hubinayo caafimaadka dadka wata baasaboorka ajnabiga ah, mana jirto wax baaritaano caafimaad ah oo dadkaasi loo sameeyo, kaliya waxaa laga qaataa lacagta baaritaanka waana la fasaxaa, iyadoo la siinayo warqad sheegeysa in caafimaadkiisu fiican yahay.
Qorshahan cusub ee Mustaf Dhuxulow lacagta ku sameynayo, ayaa yimid kaddib markii lacag 10-dollar ah oo horey baasaboorka Soomaaliga ugu saarnaa Hay’adda Socdaalka markii ugu horreysay loo wareejiyay Wasaaradda Maaliyadda, kaddib markii uu xilka la wareegay Mustaf Dhuxulow.
Hantidhowrka Qaranka ayaa warar soo baxaya sheegayaan iney baaritaanno ku bilaabeen Hay’adda Socdaalka oo musuqmaasuq baahsan laga soo sheegayo, gaar ahaan waxa ay Hanti dhowrka su’aallo ka keeneen shirkadan cusub ee uu sameystay Mustaf iyo halka ay ku dambeyso lacagaha ay qaado.