Kuma filnaa qof kasta oo Soomaali ah inuu wax badan ka fahmo habka ay dawladda Turkiga u baahisay heshiiskan, tana waxay mar kale lagama maarmaan ka dhigaysa in faahfaahin laga helo dhinaca Soomaaliya.
Waxaa jira hal qodob oo laga helayo faahfaahinta muddada heshiiska ;
Waa qodobka 4 aad farqadiisa 12, oo lagu muujiyay in heshiiska uu dhaqangal ahaanayo muddo shan sanno ah oo lagu kordhin karo saddex sanno mar kasta oo muddo kordhin loo baahdo, markaa waa loo qaateen faa’iidada 5 boqolkiiba ah ee Soomaaliya , maaddama markaa heshiiska laga bixi karo ama qaab dhismeedkiisa wax laga beddeli karo , laakin wali tan dammaad ma bixinayso oo Soomaaliya kuma filna muddo shan sanno ah inay isku diyaariso, maaddama waqtigaa aan lagu heli karin hay’adda batroolka inay awood u yeelato soo saarista shidaal iyo dhoofintiisa, sidoo kale waa wax dhaqaale u baahan qalabka, sideedana shidaalka wuxuu faa’iido leeyahay marka shirkadaha dalka ay soo saaraan. Inta badan dalalka dunidda oo Carabta ku jirta waa xaalad ay soo mareen faa’iidada yar ee 5% ah.
Khayraadka waxay udud-dhexaad u yihiin rajada ay Soomaalida ka qabaan in xaaladda burbur ee muddada dheer ku jiraan , marxalad ay uga bixi karaan , iyadoo dhibaatooyinka lala xiriirinayo xaaladda dhaqaale oo nidaamka dawladeed ka dhigay mid daciif ah.
Heshiiskan shidaalka iyo gaaska, wuxuu ku bilowday iyadoo la daboolay habka loo saxiixay iyo ansixinta Baarlamaanka , halkaa oo ah meesha uu ka soo bilowday walaaca. Qodobka doodda ay ka taagantahay ee faa’iidada 90% ee Turkiga heshiiskan ka helayo, si loo fahmo waa in la oggaado kharaashka uga baxaya shirkadaha Turkiga , maaddama ay Turkida iyagu maalgelinayaan heshiiska , waxay tani la xiriiri kartaa shirkadaha inay dib usoo ceshanayaan dhaqaalaha ka galay soo saarista shidaalka , mar kale in tani tahay khasaare ay wajahday Soomaaliya , waxa loo baahanyahay muddada ay ku soo ceshanayaan kharashka wax soosaarista in la caddeeyo, sidoo kale si daah furan loo helo kharashka ku baxaya shaqada! Soomaaliyana hadda faa’iido doon ma noqon karto, sababtoo ah ma jiro wax dhaqaale ah oo ay ku darsatay soo saarista shidaalka, waa inay sugnaa illaa kharashkooda ay usoo laabanayso shirkadaha Turkiga, muddadaa oo lagama maarman ah haddii ay Soomaalida faa’iido doon yihiin inay ku filnaadaan soo saarista khayraadkooda.
Turkiga wuxuu Soomaaliya ku leeyahay sooyaal mugdi ah oo la xiriira heshiisyada dhaqaalaha; waxay shirkadaha Turkiga maamullan labada il dhaqaale ee caasimadda Muqdisho ee kala ah dekedda iyo garoonka diyaaradaha , waxay shirkadaha Turkiga ka saareen kaydka heshiisyada Soomaaliya , heshiisyada ay kula wareegeen dekedda iyo garoonka oo si daah furan aysan cidna ula xisaabtami karin, oo dawladdu waxay qaadataa xisaabta ay go’aamiyaan shirkadaha Turkiga , waa wajiga aan naxariista lahayn ee Turkiga , mana jirto wax horumarin ah oo dekedda iyo garoonkaba lagu sameeyay , wax walba meeshoodii ayay joogaan, hadda in shidaalka iyo gaaska ku jira badda iyo bariga Soomaaliya ay soo saarayaan shirkadaha Turkiga , marka dib loo tixraaco habdhaqanka shirkadaha Turkiga waa inaysan jirin rajo laga qabo inuu Turkiga u horseedo Soomaaliya barwaaqada ay muddada dheer ku taamayaan, balse kaliya ma aha in la eedeyo Turkiga , isbeddelka wuxuu ku imaan karaa habka ay isku diyaariyaan Soomaalida , oo Turkiga ku dhalin karta inuu wajigiisa beddelo!
Saraakiisha dawladda ee heshiiskan ku lug leh waa inay soo baxaan oo ay dadweynaha usoo bandhigaan sharraxaad ku filan oo lagu fahmi karo waxa ku dhex jira heshiiskan!
Waxaa hoos ka daalacan kartaa heshiiska shidaal baarista ee Somalia iyo Turkiga oo dhameystiran laguna turjumay af Soomaali