Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Yurub oo ka hor yimid qorshe uu soo bandhigay Trump

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Kaja Kallas ayaa sheegtay in Midowga Yurub waligiis Crimea u aqoonsan doonin Ruushka “Crimea waa Ukraine.” ayey hadalkeeda intaas ku dartay

Trump ayaa doonaya inuu Crimea u aqoonsado Ruushka isagoo arrintasa u  adeegsanayo joojinta dagaalka Ukraine.

Maamulka Trump dhowaan ayaa la wadaagay saraakiisha sare ee Yurub , inta lagu jiray Khamiistii toddobaadka hore , shir ka dhacay Paris oo uu ka qeybgalay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka , Marco Rubio iyo saraakiisha Ukraine iyo Yurub — faahfaahinta heshiiska xabbad joojinta suragalka ah oo ay ku jirto tanaasul badan oo loo sameynayo Ruushka , si loo soo afjaro duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Dukomeentiyada ayaa la sheegay inay ku jiraan tiro tanaasul ah oo u baahan doona inay aqbasho Ukraine, oo ay ku jiraan aqoonsiga Maraykanka ee jariisadda Crimea oo loo aqoonsanayo  dhul ka mid ah Ruushka, soo afjarida hamiga xubinnimada Ukraine ee NATO, iyo sidoo kale suurtogalnimada in la sameeyo “aag dhexdhexaad ah” oo ay ilaaliyaan ciidamada Maraykanka , gaar ahaan warshadda tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee koonfur-bari Ukraine, sida uu ku warramay wargeyska Wall Street Journal.

Aqalka Ruushka ee Kremlin, ayaa warsaxaafadeed uu baahiyay ku soo dhaweeyay heshiiska la soo bandhigay , iyadoo si gaar ah Ruushka uu u soo dhaweeyay inay ku jirto Ukraine inay ka tanaasusho doonisteeda xubinnimada NATO, taasoo Ruushka uu ku sheegay inay qeyb ka tahay bilowga khilaafka dhaliyay dagaalka saddexda sanno socda.

 

Related posts

Xukun dil ah oo lagu riday Farxaan Jaamac Siyaad oo dambi culus lagu helay

Cabdi Cade

Guddi ku qanci waayay Jawaab Celinta Su’aalo adag ay weediyeen Wasiir Cawad

Cabdi Cade

Ciidanka Xoogga dalka oo weeraray fariisin Al-shabaab ku lahaayeen Ceel-Qansax

Caydiid Ali
Taboola Ads ---