Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulan uu maanta yeeshay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska guddiga ee xarunta guddoonka iyo guddiyada Villa Hargeysa, waxa ay xubnaha guddiga ku doorteen Guddoomiyaha cusub ee guddiga oo ay u doorteen Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan.
Xilkan cusub ee loo doortay in uu guddoomiye Xildhibaan Qawdhan, ayaa horey waxaa u joogay Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux oo dhowaan loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya.
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Guddoomiyaha cusub ee guddiga maaliyadda kula dardaarmay inuu dardargeliyo shaqada guddiga, isaga oo xubnaha kale guddiga ku booriyay in ay guddoomiyaha cusub la shaqeeyaan.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com