Allbanaadir.com
NEWS

Digniin adag oo loo diray dadka doonaya in sannadkan soo xajiyaan

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa ku adkeysay cid walba oo dooneysa inay sanadkan (1446 AH) waajibaadka Xajka soo gudato ay qasab ku tahay inay heystaan fiisaha oo ay ka dalbadeen barta Nusuk, si loogu hoggaansamo hannaanka mideysan ee casriga ah ee loogu talo-galay bixinta fiisaha Xajka kaasoo lagu magacaabo Tasriix.

Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo nidaamka iyo awaamiirta si loo sugo ammaanka Martida Allaah iyo in si fudud oo deggan loo guto Xajka.

Wasaaraddu waxay caddeysay inaysan jirin dal-ku-gal ah qofka u oggolaanaya in uu xajka soo guto marka laga reebo fiisaha rasmiga ah ee Xajka, isla markaana haddii la isku dayo in uu sharci la’aan soo guto ay xad-gudub ku tahay shuruucda iyo xeerarka xajka.

Waxaa jira dadka qaar oo heysta fiisaha caadiga ah ee Sacuudiga, kuwaas oo u heysta inay sidoo kale Xajka kusoo gudan karaan, arrintaas ayay wasaaraddu sheegtay inay ka hortagayaan.

Waxay sidoo kale ka digtay khiyaanada iyo been abuurka ku lugta leh barnaamijyada xajka ee been abuurka ah, kuwaas oo lagu xayeysiiyo xayaysiisyada marin habaabinta ah ee baraha bulshada ee bixiya hoyga iyo gaadiidka gudaha goobaha barakeysan.

Wasaaraddu waxay ku boorrisay dadweynaha inay soo sheegaan xadgudubyadan oo kale iyagoo wacaya 911 ee gobollada Makka, Riyaad, iyo Gobolka Bari, ama 999 ee meelaha kale ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Warbixinnada xayaysiisyada shakiga leh waxaa sidoo kale loo gudbin karaa maamullada waddan kasta.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay xustay in maalinta ugu dambaysa ee dadka haysta fiisaha Cumrada ay ka dhoofayaan Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay tahay Talaadada oo ay taariikhdu tahay 1-da Dul-Qi’dah 1446 Hijriyada (April 29, 2025), iyadoo loo diyaar garoobayo gudashada waajibaadka Xajka.

Nusuk Xaj waa goobta hal meel looga wada-heli karo adeegyada Xajka oo ay maamusho Wasaaradda Xajka iyo Cumrada, waxaana xujeyda ka imaanaya dalalka loo adeegayo ay u soo bandhigaan xirmooyin kala duwan oo xajka ah.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka SSC Khaatumo oo war ka soo saaray dagaaladii saaka ka dhacay Maraaga

Caydiid Ali

Maxaa xilka looga qaaday Taliyihii ugu awooda badnaa Muqdisho Saadaq Joon ?

Cabdi Cade

Ganacsade goor dhow lagu dilay Magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---