Madaxweynaha Ruushka Putin, wuxuu soo gabagabeeyay heshiiska istaraatijiga ah ee iskaashiga dhammeystiran oo Ruushka uu la galay Iran, iyadoo shalay uu si rasmi ah qallinka ugu duugay.
Waa maxay waxa ku jira heshiiska ;
Ruushka , wuxuu Iran ka taageerri doonaa inuu ku wareejiyo noocyada hubka oo ay ku jiraan diyaaradaha , gantaallada iyo tiknoolajiyada, nooc kasta oo wareejin ah waxay ku dhacaysa is dhaafsiga lacagta labada dal, taa oo Iran siinaysa xorriyad ay ku soo iibsato hubka ay uga baahantahay Ruushka. Heshiiska wuxuu dhigaysa in Ruushka uu xogta sirdoon iyo dabool diblomaasiyadeed ku caawin doono Iran; waxaa loola jeedaa wuxuu Ruushka bixinaya sirdoonka khataraha ku wajahan Iran oo ay weheliyaan fallanqeynta iyo qorsheynta hababka difaac iyo weerar, wuxuuna Ruushka diiddi doonaa qaraar kasta oo ka dhan ah Iran oo la horgeeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Tehran , ayaa looga dabaal-deggay dhammeystirka heshiiskan iskaashi..!
Markii uu saxiixay Putin, heshiiskan , waxaa telefoon ku wada-hadlay wasiirrada arrimaha dibadda Ruushka iyo Iran, isla markii wada-hadalka waxaa lagu soo daray wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha , waxaa xigtay telefishinka Ruushka ee RT iyo wakaaladda wararka Iran ee IRNA , inay ku dhawaaqeen wasiirka arrimaha dibadda Iran inuu booqanayo Beijing.
Dhaqdhaqaaqa , wuxuu ku soo aaddaya xilli Mareykanka iyo Israa’iil ay ku celceliyaan inay burburinayaan xarumaha nukliyeerka Iran , waxaa jira khatar gaar ah oo ay aragto Israa’iil, oo u deg degaysa inay ku jiido Mareykanka duullaan lagu qaado Iran, waxayna ku andacoonayaan inay Iran soo gaartay marxalad ay xilli kasta dunidda kaga yaabsan karto tijaabada bambada nukliyeerka , wargeyska Israa’iil ee Times of Isreal ayaa wariyay.
Ruushka , wuxuu ku dhowyahay joojinta dagaalka Ukraine;
Wargeysyada Mareykanka iyo warbaahinta Ruushka ayaa ku warramay inay sare martay surtagalnimada uu Ruushka ku joojinayo dagaalka Ukraine , tani waxay ku timid , kaddib markii Mareykanka uu soo bandhigay tanaasul uu ku oggolaanayo dhaqangelinta hadafka dagaalka uu ka lahaa Ruushka oo ay ku jiraan ; in gabi ahaanba la soo afjaro hamiga Ukraine ee ku biirista NATO iyo in Ruushka loo aqoonsado dhulka uu ka qabsaday Ruushka. Trump ayaa xataa saacado ka qor sheegay muddo toddobaad ah in la arki karo dagaalka oo la joojiyay.
Joojinta dagaalka ee Ruushka , ma waxay ka dhigantahay hubka Moscow waa la xareyn doonaa?
Haddii aan isku sheegno Ruushka inuu ka baxayo dagaallada, taasi waa khalad oo boqollaalka kun ee askarta ka dagaallamaysa Ukraine , waxay u baahanyihiin ‘dagaal’,si la mid ah dagaalka waa hab u Putin ku xalliyo siyaasadda gudaha, taasi waa in si kumeelgaarka ah uu Ruushka u hakinayo dagaalka, balse waa inan sugnaa duullaan kale oo Ruushka uu qaadi karo! Gormee ayuu qaadayaa iyo xaggee weerarraya Ruushka kaddib Ukraine ? Waa su’aallo inooga baahan inan bilooyin iyo sannado samir u yeelano! Halkan waxaa ku jira warbixin hore oo aan ku sharraxayo sida duullaanka Ruushka uu u sii socon doono , dalal cusubna ay booqan doonaan askarta Ruushka ; https://www.facebook.com/share/1VCeGogMNU/?mibextid=wwXIfrz.
Shiinaha ayaa u muuqda mid ka baxaya siyaasadda qaboob ee kaliya dhaqaalaha ku dhisan, si aan horey loo maqal , wuxuu Shiinaha u dhaqaaqayaa inuu dalalka ganacsiga kala dhaxeeyo la galo heshiiska uu uga fogeynayo Mareykanka , markii u horreysay wasaaradda ganacsiga Shiinaha ayaa dalalka uga digtay inay Mareykanka la galaan heshiisyo ganacsi oo lagu waxyeelaynayo Shiinaha, waxaa xigtay madaxa golaha Midowga Yurub oo ku dhawaaqday in wafdi ka socda Midowga Yurub uu booqan doono Shiinaha , sababtoo ah warshadaha Shiinaha waa kuwa aan laga tagi karin. Shiinaha ayaa 14% leh ganacsiga badeecadaha adduunka, waxaa kaloo uu leeyahay 22% saamiga adduunka ee alaabta tignoolajiyada.
Balse, isbeddelka wuxuu ka yimid Shiinaha oo sare u qaaday dhaqdhaqaaqiisa milatari , wuxuu hantidiisa cirka, ku soo aruuriyay dalka Masar, halkaa oo markii u horreysay ay ciidanka Shiinaha ku sameynayaan dhoolatus milatari. Waxaa kaloo uu Shiinaha dhammeystiray qorshihiisa ku wajahan Taiwan, halkaa oo toddobaadyo ka hor uu ku soo bandhigay dhoolatus ciidanka Shiinaha ay ku hareereeyeen jasiiradda , intaa oo kaliya ma aha warbaahinta dawladda Shiinaha hadda waxay joogtaysay soo bandhigista tababbarada dagaal ee ciidanka Shiinaha ay qaadanayaan, kuwaasoo ku jira heegan..! Hadda quwadaha waxay u arkaan marxalada lagu jiro inan laga baaqsan karin dagaal, halka Mareykanka uu baabi’inayo xafiisyadiisa kormeeri jiray xuquuqda bani’aadamka iyo dimuqraadiyada, tani ma cadda haddii ay ku filantahay inuu Mareykanku ku dhaqaaqayo ficillo waxyeelanaya xuquuqda bani’aadamka iyo dimuqraadiyada.
Shiinaha waxaa kaloo u doonayaa inuu ku lug yeesho colaadda dibadda, si uu ugu cadaadiyo Mareykanka , meel ka baxsan dhulkiisa , tan waxaa inoo xaqiijinaya Mareykanka , markii wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ay sheegtay in dayax-gacmeedyada Shiinaha ay taageerrayaan kooxda Xuutiyiinta Yemen , waxayna ku caawinayaan si sax ah in loo beegsado maraakiibta Mareykanka , tan waxaa ka horreysay Mareykanka oo sheegay inay xaqiijiyeen saraakiil Ruush ah oo ku sugan Yemen , kuwaasoo gacan ka siinaya Xuutiyiinta horumarinta gantaallada iyo tiknoolajiyada, Financial Times, ayaa warisay. Xuutiyiinta ma beegsadaan maraakiibta ganacsiga Shiinaha iyo Ruushka! Saraakiisha Xuutiyiinta ayaa si xor ah u booqda Moscow iyo Beijing.
Sidee isbeddeladan usoo gaareen Soomaaliya?
•Ruushka ayaa markii u horreysay la maqlay inuu ku soo biiri karo ololaha quwadaha ay ku doonayaan inay saldhigyo ciidan ku yeeshaan gudaha Soomaaliya , gaar ahaan xeebaha istaraatijiga ah , wuxuu hadda Ruushka ku leeyahay saldhig saad Suudaan , halka oo ah goob kale oo taranka quwada uu ka socdo.
• Shiinaha ayaa la arkay inuu daraaseynayo sida ay u shaqeeyaan hay’adaha dawladda Soomaaliya , iyadoo 90 maalmood ee kasta Shiinaha uu booqdo ugu yaraan sarkaal ka socda Soomaaliya , waxaa sare loo qaaday miisaaniyadda safaaradda Shiinaha uu ku leeyahay Muqdisho, taa oo bixisa dhammaan kharashaadka safar ee saraakiisha Soomaaliya , si aan shuruud lahayn, codsiyada taageerro ee ka baxaya xafiisyada dawladda, waxay safaaradda uga jawaabta inay bixiyso waxa ay u baahanyihiin.
• Mareykanku wuxuu arkaa dhaqdhaqaaqyada Shiinaha ee gudaha Soomaaliya , inay yihiin kuwa isbeddelo ay ka dhalnayaan, taa oo keentay inuu labo mar Muqdisho booqdo sannadkii hore madaxa CIA-da ee maamulkii Biden, oo uga digay Soomaaliya dhaqdhaqaaqyada Shiinaha.
Dawladda Soomaaliya , wali awood uma yeelan inay xakameyso dhaqdhaqaaqyada iyo tartanka quwada ee ka dhex socda gudaha Soomaaliya . Waxa la arkay ayaa ah oo ay xaqiijiyeen diblomaasiyiin Soomaali ah in Ingiriiska uu billaabay iskuday uu Soomaaliya ku keeni karo Faransiiska oo lagu burburiyay waqooyiga Afrika! Paris ayaa xiriir wanaagsan la leh Abu Dhabi oo saameyn ku leh dawlad gobolleedyada ugu xooggan Soomaaliya, taa oo fududeysay sirdoonka Faransiiska inay tagaan goobo gaar ah oo ka tirsan Soomaaliya , halka meel ka baxsan caasimadda ay ka howlgalayaan sirdoonka dalal dhowr ah oo Mareykanka , Ingiriiska ,Imaaraadka Carabta iyo xulafadooda ay ku jiraan.
Tartankan, wuxuu dhaliyay Turkiga inuu la kulmo cadaadis uga imaanaya dhinacyada doonaya inay saameyn ku yeeshaan Soomaaliya , kuwaasoo Turkiga ku wajahay inay xaddidaan dhaqdhaqaaqiisa gudaha Soomaaliya, tani waxay keentay inuu Erdogan u diray Muqdisho , taliyihiisa sirdoonka , Ibraahim Kalin oo la sheegay inuu la wadaagay madaxweynaha Soomaaliya , macluumaad iyo sharraxaad la xiriirta dhaqdhaqaaqaha dibadda uga imaanaya ee ay Soomaaliya wajahayso. Turkiga ma ka tagi karo Soomaaliya , wuxuu sare u qaaday ciidanka ka jooga Muqdisho , kuwaasoo la sheegay inay saldhigyo ku yeelan doonaan gobolka Shabeellaha dhexe iyo goobo ka tirsan Jubbooyinka , iyadoo warbaahinta ka warranta arrimaha sirdoonka ee Intelligence Online ay sheegta dayaxgacmeedyada Mareykanka iyo Shiinaha inay la socda dhaqdhaqaaqa saldhig saad oo Turkiga uu ka hirgeliyay biyaha Soomaaliya , halka dhulkana ay deegaannada Shabeellaha dhexe ka socdaan diyaarinta saldhig hawada sare ah oo Turkigu ka hirgelinayo, tan oo ku filan inuu Turkiga isku diyaarinayo marxalad kasta oo Soomaaliya inuu wajaho.
Daabulida ciidanka uu Turkiga keenayo gudaha Soomaaliya , ayaa sidoo kale lagu sheegay inay tahay tallaabo ay dawladda Soomaaliya ku doonayso inuu Turkiga gacan ka siiyo la-dagaallanka AS, balse Turkiga diiwaanka uguma jirto inay ciidanka ka dagaallama meelo ka fog dhulkiisa , si hadda loo arko Turkiga oo ciidankiisa ama kuwa ka socda shirkadihiisa amniga oo ka dagaallamaya Soomaaliya , taasi waa wax ku xiran qorshaha u diyaarsan dawladda Soomaaliya , oo xaqiijin kara dagaalkaa in lagu guuleysan karo, haddii kale cidna meesha kama saari karto inuu Turkiga iskudayi doono habab kale oo uu ku ilaashanayo danihiisa Soomaaliya, mar kastana wuxuu Turkiga xisaabinaya habab uu sare ugu qaadayo saameyntiisa Soomaaliya , tana waxa laga filan karo , waa in Turkiga uu albaabka u furi doono dhinaca awoodda u leh inay xakameeyaan marxaladan ay isbeddelada ka buuxaan ee Soomaaliya.
W/Q Iman Jamac