Ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay weerar culus ku qaaday xubno ka tirsan kooxda Al Shabaab oo ku dhuumaaleysanayey aagga deegaanka Aboorey ee gobolkaas.
Howlgalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada difaaca deegaanka ay ka war heleen Al Shabaab isku aruursanaysa aagga Aboorey, waxay halkaas ku qaadeen weerar cashir loogu dhigay kooxdaasi, khasaare xooggana lagu gaarsiiyey.
Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ayaa Warbaahinta  u sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay Al Shabaab gaarsiiyeen, isla markaana howlgalkaas uu u dhacay sidii ay u qorsheeyeen.
Ciidamada Difaaca Deegaanka ayaa gacanta ku haya goobtii uu ka dhacay howlgalkaas ee kooxda Al Shabaab lagu laayey ee xalay , sida ay saraakiishu noo xaqiijiyeen.
Ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa habeen kahor sidaan oo kale weerar ugu qaaday xubno katirsan Al Shabaab oo isku aruursatay inta u dhaxaysa deegaanka Mabaax iyo degmada Aadan-yabaal, waxayna cadowga gaarsiiyeen khasaare culus, kuna guuleystay inay ka hor tagaan dhagartii ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.