Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabullaahi Farmaajo, ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay inay ka feejignaadaan dacaayadaha raqiiska ah ee argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku sumcad dilaan ciidamadeenna geesiyaasha ah, kagana been sheegayaan waaqaca dhabta ah ee ka jira Soomaaliya.
Farmaajo, ayaa sheegay in ciidanka qaranku ay magaalooyin tab iyo xeel dagaal uga soo baxaan , waxa uuna xusay in taasi macneheedu aheyn in laga adkaaday, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ciidanka qaranka la garab istaagaan hiil iyo hoo intaba, taas oo keeni karta in ciidanku ka guulaystaan cadowga.
“Waxaa hubaal ah in ayada oo ciidanka la dhisayo haddana laga guulaysan karo kooxaha nabad-diidka ah, sidii hore u dhacday sannadihii 2018 ilaa 2020-kii oo ayada oo ciidanka dhismihiisa lagu dhex jiro, haddana ay noo suurta gashay inaan argagixisada ka xorayno magaalooyin badan oo ay ka mid yihiin Marka, Jannaalle, Ow-Dheegle, Bariirre, Sabiid iyo Caanoole” ayuu yiri Farmaajo