Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas oo aqbashay iney wareejiso Maamulka marinka Qasa

Sarkaal sare oo Falastiini ah ayaa sheegay in dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Masar ay soo jeediyeen Heshiis cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka Qasa.

Sida uu sheegay sarkaalku, soo jeedinta waxaa ku jira  heshiis socon doona inta u dhaxaysa shan ilaa toddobo sanno, siidaynta dhammaan maxaabiista Israa’iil si loogu beddelo maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyada Israa’iil, si rasmi ah loo soo afjaro dagaalka, iyo in Israa’iil gebi ahaanba ka baxdo Qasa.

Ururka Xamaas, waxay u gudbiyeen dawladda Qatar qorshaha maalinta ka dambeysa dagaalka oo loola jeedo qorshaha mustaqbalka Qasa, marka la soo gabagabeeyo dagaalka, iyadoo qorshaha ay ku jirto inay Xamaas diyaar u tahay wareejinta maamulka Qasa, sida ay warisay shabakadda wararka Sacuudiga ee Al Hadath.

Sarkaal Falastiini ah ayaa sheegay inay Xamaas ku wareejinayso maamulka Qasa koox midnimo oo dhinacyada Falastiin ka socda, balse Xamaas ma oggolaan doonto kooxdaas inay ku jiraan maamulka Falastiiniyiinta Daanta Galbeed ee Maxamuud Cabbaas uu hoggaamiyo.

Waxa ay Xamaas u doonayso wareejinta maamulka Qasa ayaa ah in la isku xiray joojinta dagaalka Qasa iyo wareejinta maamulka marinka ee ururka Xamaas, si loo gaaro shuruudaha u dambeysa ee Mareykanka iyo Israa’iil , hadda waxay u muuqdaan Xamaas inay soo afjarayaan dagaalka, oo ay wareejinayaan maamulka marinka Qasa, balse taasi kuma jirto hub ka dhigis, sidoo kale Xamaas waxay doonaysaa cidda maamullaysa marinka inay hoggaamiyaan dad ka socda Qasa.

Qodobada ugu muhiimsan ee soo-jeedinta cusub:

1 -Xabbad-joojin muddo dheer socota,soo-jeedintu waxay ku talinaysaa xabbad-joojin soconaysa 5 ilaa 7 sano.

2- Is-weydaarsi maxaabiis:

In la sii daayo dhammaan la haysteyaasha Israa’iil, iyadoo lagu beddelayo tiro maxaabiis Falastiiniyiin ah oo la isku afgartay.

4-Ka bixitaanka ciidamada cadowga:

Waxaa ku jira in ciidamada ciidamada cadowga Israa’iil si buuxda uga baxaan Marinka Gaza.

5- Dib-u-dhiska Gaza:

In dib u dhiska Gaza la bilaabo iyadoo la helayo dammaanad qaad caalami ah.

6- Maamulida Gaza:

Xamaas waxay muujisay diyaar u ahaanshiyaha inay ku  wareejiso maamulka Gaza hay’ad Falastiini ah oo lagu heshiiyo heer gobol, taas oo noqon karta Maamulka Falastiin ama hay’ad maamul oo cusub.

Mowqifka Xamaas:

Xamaas waxay muujisay debec  aan horay loo arag oo ay la timid marka ay la macaamileyso soo-jeedinta cusub, sida uu sheegay mas’uul sare oo Falastiini ah.

Xamaas waxay diidday dalabkii hore ee Israa’iil kaasoo la sheegay inuu ku jiray sii deynta qiyaastii kala bar la haysteyaasha, iyagoo ku tilmaamay “heshiis qayb ah” oo u adeegaya ajandaha siyaasadeed ee ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Xamaas waxay xaqiijisay diyaar u ahaanshiyaha in la gorfeeyo heshiis dhamaystiran oo ay ku jiraan sii deynta dhammaan la haysteyaasha, ka bixitaanka buuxa ee Israa’iil ee Gaza, iyo bilaabidda dib u dhiska gobolka.

Mowqifka Israa’iil:

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday shuruudaha Xamaas, isagoo ka digay in aqbaliddoodu halis gelin karto ammaanka “Israa’iil”, wuxuuna ku adkeystay in dagaalku uusan dhamaan doonin ilaa Xamaas la burburiyo lagana xaqiijiyo in Gaza aysan mar dambe khatar ku ahayn.

Tallaabooyinka soo socda:

Waxaa la filayaa in wafdi ka tirsan hoggaanka sare ee Xamaas ay gaaraan Qaahira si ay uga tashadaan soo-jeedinta.

Dadaallada dhexdhexaadinta ee uu hoggaaminayo Qatar iyo Masar ayaa sii soconaya, iyadoo ay qeyb ka tahay dawladda Maraykanka si loo gaaro heshiis kama dambeys ah”

Related posts

Abaandulaha Ciidanka Xoogga dalka oo gaaray Magaalada Beled-weyne (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Ka Socda Hey’adda …

Cabdi Cade

Maxay soo kordhin kartaa xayiraadda Maraykanka saaray xubno ka tirsan al-Shabaab?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---