Allbanaadir.com
NEWS

Uganda oo loo gudbiyay cabasho ay qabaan Soomaalida kunool dalkaasi

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhisa dalka Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare, ayaa kulan kula qaadatay xafiiskiisa magaalada Kampala Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda dowladda Uganda, Gen. Apollo Kasiita-Gowa.

Kulanka labada masuul ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal ee dhanka socdaalka iyo is-dhexgalka muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Ugandheyska.

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare, ayaa agaasimaha u gudbisay cabashooyin ka yimid bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda, kuwaas oo intooda badan aan haysan sharciyad rasmi ah oo ay dalka ku joogaan.

Sidoo kale, Safiir Fardowsa waxay xustay in maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC), muwaadiniinta Soomaaliyeed ay tahay in loola dhaqmo sida dalalka EAC. Waxayna ku baaqday in ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Uganda loola dhaqmo sida ardayda kale ee ka kala yimaada dalalka xubnaha ka ah EAC.

Dhankiisa, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Uganda, Gen. Apollo Kasiita-Gowa, ayaa ballanqaaday in cabashooyinkaas wax laga qaban doono, isagoo arrintaas kala kaashan doona Wasaaradda Arrimaha Urur Goboleedka Bariga Afrika ee Dowladda Uganda.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo Go’aan kasoo saaray Kursigii Mahdi Guuleed ku guuleestay

Cabdi Cade

Kenya oo shaacisey in la laayey dabley Al-Shabaab lagu tuhmay oo bus weeraray

Caydiid Ali

Puntland oo beenisay eedeyn culus oo loo soo jeediyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---