Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka aan looga adkaanin dagaalkii degmada Aadan Yabaal, waxa uuna xusay in ciidamada halkaasi uga soo baxeen xeylad dagaal.
Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo wareysi bixiyay, ayaa meesha ka saaray hadalka kasoo yeeray Wasiirka Amniga, waxa uuna caddeeyay xildhibaanka in ciidanka dowladda aysan xeylad dagaal uga bixin Aadan Yabaal, balse looga adkaaday dagaalkii halkaasi ka dhacay.
Waxa uu xusay xildhibaanka in aysan meesha oolin sabab koox argagaxiso ah degmo dhan loogu banneeyo xeylad dagaal ahaan, waxa uuna xusa in xeylad dagaal kaliya meelo uga baxaan dowlado dagaal ka dhaxeeyo, balse aysan sax aheyn in koox argagaxiso aan arxan laheyn xeylad dagaal meel loogu banneeyo.
” Xeylad dagaal jabhadi malahan, jabhad waxa ay leedahay in la iska dhiciyo, sababtoo ah jabhad meel ay qabsato kheyr laga sugi maayo, shacabka ayey dilayaan , saddex jeer dowladda ayaa ciidan badneed, balse waa lagu dhax dhuuntay, xeylad dagaal kuma jirto in jabhad meel loo banneeo, xeylad dagaal waxaa isku isticmaala labo dowladood” ayuu yiri xildhibaan Sanyare.
Hadalka kasoo yeeray Wasiirka Amniga Soomaaliya ee ku aadanaa in xeylad dagaal looga baxay degmada Aadan Yabaal, ayaa dad badan layaab ku noqotay, waxaana Aadan Yabaal ka dhacay weerar khasarao badan uu kasoo gaaray ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com