Xubno katirsan madaxtooyada maamulka Puntlad aadna ugu dhaw dhaw Madaxweyne Siciid Denu, ayaa ka shaqeenaya sidii meesha looga saari lahaa xubno katirsan guddiga doorashooyinka , oo ay ku jiraan xubnaha ugu sarreeya.
Sida aan xogta ku helnay xubnahan ku dhaw dhaw Madaxweyne Siciid Deni, ayaa ka shakiyay shaqada iyo daacadnimada xubno katirsan guddiga doorashada, kuwaa ay tuhmayaan in xilligan aysan daacad u aheyn Madaxweyne Siciid Deni.
Madaxweyne Deni ayeyna xubnahan ku dhaw dhaw kula taliyeen in uu meesha ka saaro guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC, Axmed Maxamuud Cumar (Keke) iyo xubno kale oo muhiim ah oo ka tirsan guddigaasi.
Xogaha aan heleyno , ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu shaqada ka eryayo xubnaha laga shakiyay ee ku jira guddiga doorashooyinka, kuwaa oo qaarkood lagu tuhmayo in xiriir hoose la leeyihiin guddiga doorashooyinka Qaranka ee heer federaal.
Madaxweyne Deni, ayaana xubnaha ku dhaw dhaw ee madaxtooyadiisa katirsan ka dalbaday in ay lasoo wadaagaan xogo dheeraad ah oo ku saabsan xubnahan laga shakiyay ee ku jira guddiga , si uu uga qaado tallaabooyin uu meesha uga saarayo xubnahaasi aan daacada u aheyn.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com