Allbanaadir.com
NEWS

Tuug Xatooyo u geystay Wasiirada amniga Mareykanka

Wasiiradda Amniga Gudaha ee Mareykanka, Kristi Noem, ayaa xaqiijisay in boorsadeedii laga xaday, taasoo noqotay dhacdo layaab leh maadaama qofka dhibbanaha ahi yahay mas’uul sare oo ka shaqeysa arrimaha amniga.

Wasiiraddu waxay sheegtay in ay noqotay dhibbane uu tuug ka xaday boorsadeeda xilli ay ka cashaynaysay makhaayad ku taalla bartamaha magaalada Washington.

Xatooyadu waxay dhacday iyada oo wasiiraddu cunaysay xirmooyinka   ukunta ciidda Easter.

Markii su’aal laga weydiiyay dhacdadan iyadoo ku sugnayd  Aqalka Cad, way qiratay waxayna sheegtay in arrintu weli aan la xallin.

Shabakadda “CNN” ee Mareykanka ayaa ka soo xigatay ilo amni in adeegga qarsoodiga ah ee ilaalinta u qaabilsan Noem uu dib u eegay muuqaalada kaamirooyinka amniga ee makhaayadda, waxaana la arkay nin aan la aqoon oo xirnaa maaskarada  caafimaadka  isagoo boorsada ka xadaya kana  sii baxaya makhaayadda.

Tuuggu wuxuu la baxay ruqsadda darawalnimada ee Noem, daawooyinkeeda, furaha gurigeeda, iyo baasaboorkeeda.

Intaa kaliya ma ahan, wuxuu sidoo kale qaatay  kaarka gelitaanka Wasaaradda Amniga Gudaha, boorsada  qurxinta ee wasiiradda, jeegag madhan, iyo qiyaastii $3,000 oo lacag caddaan ah.

Sida  ilahani ay sheegeen adeegga qarsoodiga ah ayaa bilaabay baaritaan lagu raadraacayo isticmaalka kasta oo la sameeyo kaararka iyo agabyada maaliyadeed ee Noem.

Related posts

DF iyo ganacsatada Muqdisho oo Malaayiin Dolar ugu deeqay gurmadka dabkii Hargeysa

Caydiid Ali

Puntland & DP World oo heshiis cusub ka gaaray dhismaha dekeda Boosaaso (Sawirro)

Caydiid Ali

Mooshin maanta loo gudbiyay Guddoonka Golaha Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---