Waxaa soo baxaya xogo cusub oo la xiriira Ku dhawaad 500 askari oo Turki ah Axadii ka soo dagay garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho, ciidankaan ayaa wata hub casri ah iyo qalab milatari oo dhamaystiran.
Diyaarad ay leeyihiin ciidanka cirka Qadar ayaa soo daabulashay ciidankaan sida ay ilo xog ogaal ah xaqiijiyeen. Waxaa la filayaa in ciidamo kale oo dheeraad ah ay yimaadaan toddobaadyada iyo bilaha soo socda.
Dhanka kale markabka shidaalka qoda ee Fatih ayaa maalmaha soo socda ka soo shiraacan doona dalka Turkey, waxaa wehli doona ku dhawaad 9 markab oo isku jira maraakiibta dagaalka, kuwa soo qaadi doono galabka baaritaanka iyo kuwa ay saaranyihiin qalab Milatari oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka, taangiyo iyo gaadiidka gaashaaman oo ay adeegsan doonaan ciidanka Turkey.
Inta badan ciidankaan waxay ka shaqayn doonaan mashaariicda wadajirka ah ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha goob gantaallo laga rido (rocket launch site) iyo mashaariicda sahminta shidaalka ee socda. Qaar ka mid ah ciidamadaas waxaa la filayaa inay sidoo kale bixiyaan taageero diyaaradeed iyo tababarro ay siinayaan ciidamada Soomaaliya.
Illaa hadda lama xaqiijin wax ka qaybgal ah oo ay leeyihiin shirkado amni gaar loo leeyahay (private security) ee howlgalkaan. Saraakiisha sida dhow ula socda howlgalka ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkey uu markaan gaaray heerkii ugu sareeyay.
Waxaa xusid mudan in Turkigu uu joogi taan ciidan ku lahaa Soomaaliya tan iyo sanadkii 2017, iyagoo ka howlgala xarunta tababarka ee TurkSom, taas oo lagu tababaray kumannaan askari Soomaaliyeed