Allbanaadir.com
NEWS

Al-Azhar & Xisbullah oo amaanay Pope Francis oo saaka geeriyooday

Xisbullah ayaa ka Tacsiyadaysay geerida Baaderiga Pope Francis oo ah hogaamiyaha mad’habka katoliga iyadoo ku amaantay baaqiisii ​​wadahadalka diimaha  nabad ku wada noolaanshaha

Bayaan ay soo saartay maanta, dhaqdhaqaaqa iska caabinta Lubnaan ee Hezbollah ayaa ka tacsiyeeyay geeridii Pope Francis.

Hezbollah waxa ay bayaankeeda ku sheegtay in Pope Francis uu muujiyay ruuxa wada hadalka diimaha.

Baadari Francis ayaa ku dhintay Abriil 21, 2025, isagoo 88 jir ah, wuxuuna ku dhintay hoyga uu ka degan yahay Vatican-ka ee Casa Santa Marta, bayaan ka soo baxay Vatican-ka ayaa lagu yiri.

Imaamka Masjidka Al-Azhar ee dalka Masar, oo maamula machadka ugu weyn dunida Muslinka ayaa isna sheegay in Pope Francis lagu xasuusan doono inuu hormuud ka ahaa wadahadalka diimaha.

Axmed al-Tayeb wuxuu sheegay in Pope-ku uu xoojiyey xiriirka Al-Azhar iyo dunida Islaamka booqashooyinki uu ku tagay dalal badan oo Islaam iyo Carab ah iyadoo aragtidiisa oo muujinaysay cadaalad iyo bini’aadantinimo, gaar ahaan gardarada lagu hayo Gaza iyo la dagaalanka Islaam nacaybka.

Dhaleeceeyntiisa gumeysiga, Imperialism-ka iyo dadka taajiriinta ah ee ka faa’iideysanaya masaakiinta ayaa ka mid ahaa fariimaha ka soo yeeri jiray Wadaadkan geeriyooday ee kaniisada Roman Catholic ee Pope Francis oo laba mar u duceeyay Somalia xili abaaro israacraacay iyo daadad ay ku dhufteen dalka ku yaalla geeska Afrika.

Dhinaca kale, Dadka dhaliila Pope Francis, hogaamiyihii Kaniisadda Katooliga ee dunida ayaa ku eedeeya inuu xafiiska si weyn ugu adeegsaday saameyn siyaasadeed iyo diimeed oo ka dhan ah dunida Muslimka ah.

Intii uu xilka hayay, Pope Francis waxaa lagu eedeyey uu si muuqata ugu lug lahaa arrimo lagu tilmaamay inay yihiin falal ka dhan ah muslimiinta, isagoo marar badan muujiyay taageero u eg mid si dadban u difaacaysa Israa’iil, xilli ay socdaan xasuuqyo ba’an oo ka dhanka ah shacabka reer Falastiin.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu si ula kac ah u aamusay ama uga gaabiyay inuu si cad u cambaareeyo gardarrada ka dhanka ah dalal badan oo Muslim ah.

Pope-ka ayaa sidoo kale lagu dhaliilay in uusan marnaba u istaagin difaaca xuquuqda muslimiinta, gaar ahaan marka la eego marka la barbardhigo sida uu si weyn u difaaco kooxaha kale ee laga tirada badan yahay. Taas beddelkeeda, dad badan oo Muslimiin ah waxay aaminsan yihiin in Pope Francis uu ku hawlanaa mashruuc ballaaran oo lagu doonayo in lagu kala dhantaalo midnimada Muslimiinta, lana carqaladeeyo kororka Islaamka ee dunida.

Related posts

Akhriso Liiska 10-ka Magaalo ee ugu Nolosha Wanaagsan Caalamka iyo kuwa ugu xun

Cabdi Cade

Gudiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ka shiray qodobo xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka Xoogga dalka oo burburiyey fariisimo ay laheyd Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---