Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Kulanka labada Guddoomiye dhaxmaray, ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan howlaha ay wadajirka u leeyihiin ka shaqeyntooda.
Kulanka ayaa intii uu socday , waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dardargelinta howlaha baaxadda leh ee horyaala Baarlamaanka 11-aad iyo sidoo kale sidii looga howlgeli lahaa shuruucda hor-tebinta u leh horumarka dowladnimadeena.
Guddoomiye Aadan Madoobe kulanka uu la qaatay guddoomiyaha Aqalka Sare, ayaa imaanaya xilli uu maanta baaqday kulankii golaha Shacabka, kaddib cabsi laga qabay in xildhibaannada qaar mooshin ka dhan ah Sheekh Aadan Madoobe keenaan kulanka golaha.
Kulankii ugu dambeeyay ee xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa foodo iyo buuq kusoo dhammaaday, kaddib markii guddoomiyaha fadhiga Baarlamaanka keenay in cod loo qaado xil ka qaadistii xilhibaan Abiib, oo horey xasaanadda uga qaadeen guddoonka golaha.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com