Allbanaadir.com
NEWS

DFS oo si adag uga hortimid tallaabo uu qaaday Madaxweyne Deni (Akhriso)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa  war-saxaafadeed ay goordhaw soo saartay, si adag uga hortimid  tallaabo ay sheegeen in uu baalmarsan yahay qaanuunka dowladnimada oo uu maamulka Puntland ku sameysanayo aqoonsi u gaar ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha , ayaa looga soo horjeestay tallaabo uu qaaday Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, kaa oo dhisay hay’ad cusub oo ka shaqeeneysa aqoonsiga dadweynaha kunool Puntland.

“Tallaabada uu qaaday madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ee ah sameynta aqoonsi kale oo lagu carqaladeynayo Aqoonsiga Qaranka DF, waa qalad masuuliyadeed iyo mid sharciyadeed, waana mid si toos ah ugu xadgudbeysa hannaanka dowladnimada dalka.” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Halkan ka akhriso war-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad looga shakiyay in ay qabaan Cudurka Caronavirus oo lagu karantiilay dalka Itoobiya

Cabdi Cade

Milateriga Ruushka oo gantaalo ku garaacay caasimada Ukraine ee Kyiv (Sawirro)

Caydiid Ali

Catriona Laing: “Somalia horey uma socon karto haddii aysan Puntland qeyb ka aheyn”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---