Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, ayaa taliye cusub u magacaabay ururka 87aad, guutada 77 ee ciidanka xoogga dalka, kaddib markii la xaqiijiyay in taliyihii ciidankaasi Ismaaciil Tuuryare lagu dilay degmada Aadan Yabaal.
Wareegto kasoo baxday Jeneraraal Odwaa , ayaa taliyaha cusub ururka 87aad, guutada 77 ee ciidanka xoogga dalka loogu magacaabay Kabtan Fatxi Karanle, oo ah sargaal katirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya , qeybo kala duwana kasoo shaqeeyay.
Sargaalkan , ayaana hoggaamin doona ciidankan oo qaar badan oo kamid ah lagu dilay weerarkii degmada Aadan Yabaal, halka kuwa kalana nolol iyto geeri lagu layahay, waxaana askartii kasoo badbaaday weerarkii Aadan Yabaal hadda ku sugan yihiin xero ku taalla degmada Guriceel.
Taliyaha cusub ee ururka 87aad, guutada 77 ee ciidanka xoogga dalka Fatxi Karanle, ayaa hadda ku sugan xero kutaalla degmada Guriceel oo ciidanka la dejiyay, waxa uuna halkaasi ka wadaa isku aadinta ciidankan oo mar kale la filayo in ay jiida hore dib ugu laabtaan.
Ciidanka ururka 87-aad ee guutada 77 ,ayaa u badan ciidamo deegaan ahaan kasoo jeeda degnooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri, waxaana ciidankan loo diyaariyay in qeyb weyn ka qaataan xureynta degmooyinkaasi ay kasoo jeedaan oo kooxda Al Shabaab maamulaan.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com