Allbanaadir.com
NEWS

Fiqi oo shaaciyey hal arrin oo aan u suuragaleynin Al-Shabaab

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta sheegay in kooxda Al-Shabaab la wiiqay awooddooda kadib muddo labo sano oo xiriir ah oo howlgal dowladdu ay hoggaaminaysay oo ahaa duulaan milatari, iyo istiraatiijiyado lagu xanibay dhaq-dhaqaaqdooda maaliyadeed, laguna baabi’iyay fikirkooda wax-burburinta ah.

Wasiirka oo galabta ka hadlayay munaasabad lagu taageerayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, ayuu ku dhawaaqay in Wasaaraddiisu ku deeqayso hal gaari oo taakullo ah oo ah raashiin qalalan.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa sheegay in marnaba aanay suurragal noqonayn in argagaxisadu gacanta ku dhigto dalka, isaga oo caddeeyay in dadka Soomaaliyeed ay ku dhiiradeen la dagaalanka al shabaab, kuna booriyay siyaasiyiinta in ay garab-istaag u muujiyaan ciidanka qaranka ee dalka iyo dadka difaacaya, isaga oo Allah uga baryay inuu jannadiisa Fardowsa ku galladaysto shuhadada ciidamada qalabka sida iyo xoogagga macawiislayda ee ka barbar-dagaalama, caafimaad-qab iyo bogsasho degdeg ahna ugu deeqo kuwa ka dhaawacmay.

Wasiirka ayaa xusay in ciidanka XDS kuwa dhufayska ku jira iyo kuwa kale ee weerar-tagaya ee u dagaalamaya jiritaanka dalkani iyo dowladdiisa ay qiimo weyn ugu fadhiyaan, ayna yihiin kuwa xaq u dagaalamaya oo bedqabka dadka ka shaqaynaya, isaga oo ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada inay garab-istaag iyo taageerro u muujiyaan.

Related posts

Musharaxiinta Xildhibaanimo iyo Ergada Dooraneysa oo baaris la marsiinayo

Cabdi Cade

Somaliland oo ka hadashay muddo kororsiga DF, Baaqna u dirtay Shacabka Muqdisho

Caydiid Ali

Meydka nin uu dilay askari ka tirsan ciidamada dowlada oo la diiday in la aaso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---