Allbanaadir.com
NEWS

Shir xasaasi ah oo ka dhacay Xafiiska Raisul Wasaaraha dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta guddoomiyay shirar muhiim ah oo uu la yeeshey guddi hoosaadyada abaabulka iyo wacyigelinta, iyo kan dhaqaalaha iyo taakuleynta.

Shirarkan ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dardargelinta dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Shabaab iyo Daacish, iyada oo la adkeynayo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah, iyo la-hawlgalayaasha amniga.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in ujeeddadu tahay in la xoojiyo nidaamka sugidda amniga dalka, iyo sidii loo dhisi lahaa bulsho ka madax bannaan cabsi iyo xagjirnimo.

Guddi hoosaadyada abaabulka iyo wacyigelinta, iyo kan dhaqaalaha iyo taakuleynta ayaa ka warbixiyey howlaha u qabsoomay iyo halka ay wax marayaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa dagaal adag kula jirta kooxda Al shabaab oo dhowaan la soo baxday dardar xooggan, isla markaana dib u qabsatay degaano laga saaray sanado ka hor.

Related posts

War Deg Deg Ah: Muudey oo War cad kasoo saaray Waxii maanta ka dhacay xarunta Baarlamaanka

Cabdi Cade

Laftagareen oo si kulul uga hadlay Qaraxii lagu dilay Gudoomiyihii Magaalada Marko

Caydiid Ali

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo War-Saxaafadeed soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---