Allbanaadir.com
NEWS

Iran oo nidaam difaac oo casri ah ku xirtay xarumaha Nuclearka

Muuqaal dhawaan ku faafay baraha bulshada ayaa muujinaya in Iiraan ay u wareejisay tiro badan oo ah nidaamyada gantaalka dhulka laga rido ee “Khordaad-15” meelo istaraatiiji ah oo muhiim ah guud ahaan dalka, iyadoo laga jawaabayo hanjabaadaha Maraykanka iyo Israa’iil ee ku aaddan goobaha nukliyeerka ee Iiraan, haddii aan la gaarin  heshiis nukliyeer ah oo ay la gasho Washington.

Nidaamkan wuxuu magaca ka helay maalinta 15-aad ee bisha Khordaad (bisha saddexaad ee taariikhda hijri-shamsiga Iiraan), taas oo lagu xusuusto dhacdo muhiim ah oo ka dhacday kacdoonkii Iiraan sanadkii 1979.

Nidaamkan gantaalka ah ayaa loo arkaa inuu yahay “tallaabo weyn” oo Iiraan u qaaday dhanka is-ku fillaanshaha dhanka milatariga, sida uu qortay  majallada The National Interest.

Nidaamka “Khordaad-15” waxaa sameeysay  Hay’adda Warshadaha Duulista Hawada ee Iiraan, oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca. Waa nidaam  difaac hawada ah oo leh  masaafad dhexe ilaa mid dheer, waxaana loogu talagalay in lagaga hortago hanjabaado badan sida diyaaradaha dagaalka, diyaaradaha aan la ogaan karin (stealth), diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo gantaallada Cruise.

Iyadoo la adeegsanayo radar-ka loo yaqaan PESA (Passive Electronically Scanned Array), waxaa la aaminsan yahay in nidaamkan Iiraan ay sameysay uu leeyahay awood sare oo lagu ogaan karo lana daba-geli karo bartilmaameedyada hawada, taasoo aan caadi ahaan laga helin nidaamyada kale ee gudaha lagu sameeyo ee Iiraan.

Waxaa la rumeysan yahay in nidaamku uu ka  ogaan karo diyaaradaha xawaaraha sare leh iyo drones-ka ilaa masaafo dhan 93 mayl (qiyaastii 150 km), wuxuuna daba-geli karaa bartilmaameedyo ku jira 74 mayl (qiyaastii 119 km), wuxuuna ka garaaci karaa bartilmaameedyada  masaafo dhan 46 mayl (qiyaastii 74 km) isagoo adeegsanaya gantaallada “Sayyad-3”.

 

Related posts

Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qabanayo Garoon kuyaala Muqdisho oo laga soo horjeestay

Cabdi Cade

Ra’iisul wasaarha Somalia oo soo xiray Shir ka socday dalka Turkiga (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Itoobiya oo ka walaacsan Dib u habeynta lagu sameenayo Ciidamada ATMIS

Cabdi Cade
Taboola Ads ---