Allbanaadir.com
NEWS

Ciro oo arrimo xasaasi ah kaga hadlay khudbadiisii Sanadlaha (Akhriso)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta labada gole ee guurtida iyo wakiillada u jeediyey khudbad-sannadeedkii dastuuriga ahayd.

Madaxweynaha, ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray arrimo muhiimad gaar ah leh oo hor-tebin u leh xukuumaddiisa, kuwaas oo salka ku haysa barnaamij-siyaasadeedkii iyo ballamihii uu bulshada u sameeyey xilligii ololaha.

HOOS KA AKHRISO KHUDBADA OO DHAMEYSTIRAN

Bismillaahi Was-Salaatu Was-Salaamu Calaa RasuuLillaah Wa Bihi Nasta’iinu Calaa Umuuri-dunyaa Wad-Diin.Was-Salaatu Was-Salaamu Calaa Sayyidinaa Muxammad (SCW), Ayn uku sallinno Nabigii Ummadda, iyo Iftiinkii Hanuunka.

Mudane Guddoomiye, mudanayaal shir-guddoonka labada goleeeGuurtidaiyoWakiillada,xildhibaannada labadaaqalee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, madaxda xisbiyada qaranka, Xubnaha golaha wasiirrada, Taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, Badhasaabka Gobolka Maroodijeex, Duqa Caasimadda Hargeysa, Hoggaamiyeyaasha bulshada qaybaheeda, haweenka, dhalinyarada, iyo guud ahaan muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland gudo iyo dibedba.

Dhammaantiin A-Salaamu Calaykum wa raxmatullaahi wa barakaatuhu.

Anniga oo ixtiraamaya Barlamaanka sharafta leh ee Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana gudanaya waajibka dastuuriga ah ee i faraya in aan idinka warbixiyo xaaladda guud ee dalka, iyo qorshaha geeddiga aynnu hore ugu sii soconayno.

Waxa aan ku bilaabayaa ducada iyo xuska ay innaga mudan yihiin, dhammaan halyeeyadii Qaranka kala soo dabbaashay marxaladihii kala dambeeyey ee la soo maray. Kuwii naftooda u huray gobannimada, hoggaamiyeyaashii kala dambeeyey ee umaddan u soo adeegay, iyo geesiyada imika dirayska u xidhan adkaynta nabadda, iyo ilaalinta, quweynta Qarannimada aynu ku naalloonayno.

Waxa aan mar kale xaqiijinayaa waajibnimada Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo in aan gorgortan laga geli karin wadajirka, israacsanaanta dhuleed, qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, dhowrsoonaanta sooyaalkeeda, hiddaha iyo dhaqankeeda   ummaddeeda.

𝐗𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐄𝐄 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀:

Mudane Guddoomiye;

Qarankeennu waxa uu marayaa marxalad muhiimad gaar ah leh. Marxalad ay waajib tahay in aynnu jaangoyno jihada aynnu mustaqbalka u dhaqaaqayno.

Waxa  aynu  ka  soo  doogaynaa  duruufo  adag  oo ka dhashay culaysyadii hoos u dhaca dhaqaale ee soo jiitamayey saddexdii sanno ee u dambeeyey, Nabadgelyadii iyo wadajirkii qaranka ee wiiqmay, hoos u dhicii ku yimid dimuqraadiyaddeenna iyo is-mari-waagii siyaasadeed ee sababay dib u dhacii doorashooyinka.

Boqolkii maalmood ee ugu horreeyey muddada ay Xukuumadaydu xilka haysay, Tallaabooyin muhiim ah oo Istaraatjiyadeed ayey qaaday, si ay dib ugu dhisto kalsoonida muwaadinka, una adkayso dhidibbada nabadda isla markaana ay hirgeliso isbeddelkii ay ballanqaaday ee ummadu ay ku siisay kalsoonida.

Maanta ammaanka guud iyo nabadgelyadu way sii xoogaysanayaan, dhaqaalihii xasilooni iyo dhaqdhaqaaq

koboc abuuraya ayaa galay. Dib-u-habayn ballaadhan baa ka socota garsoorkii iyo nidaamkii maamul ee hay’adaha dawladda, adeegyadii dadweynaha iyo arrimihii bulshadu way fidayaan.

Xidhiidhkii aynu dunida la lahayn iyo iskaashigii caalamiga ahaana firfircooni iyo dhiig cusub ayaannu gelinnay.

Waxaa ka sii muhiimsan, in la soo celiyey wax-wada- lahaanshiyihii qaybaha kala duwan ee muwaadiniinta iyo in si intii hore ka badan looga qaybgeliyey hoggaanka iyo talada mustaqbalka dalka.

Waxaas oo dhan oo jira, haddana weli waxaa ina horyaalla caqabado aan la dhayalsan Karin. In dhaqaaluhu si buuxda u soo kabto waxa ay u baahan tahay in khayraadkeenna aynu si run ah uga faa’idaysanno. Adkaynta nabadda iyo wadajirkana shaqo badan ayaa weli u hadhsan.

𝐖𝐀𝐗𝐐𝐀𝐁𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐗𝐔𝐊𝐔𝐔𝐌𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐄𝐄 𝐁𝐎𝐐𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐌𝐎𝐎𝐃:

𝟏. 𝐃𝐢𝐟𝐚𝐚𝐜𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐥𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐧𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐉𝐒𝐋:

Nabadda iyo ammaanku waa seeska horumarka iyo gaashaanka dawladnimada. Boqolkii maalmood ee hore waxaa xukuumadayda Wadajir iyo Waxqabad u suurtagalay fulinta tallaabooyin muhiim ah.

Waxa aannu Qaramaynnay hubkii iyo Ciidamadii madaniga ahaa oo aannu tababarro u bilownay, kuwaas oo maanta ah cudud ku soo biirtay ciidamadeenna Qaranka.

Waxa aannu tirakoob iyo diiwaangelin bu’da isha ah ku samaynay dhammaan ciidamadeenna, si aannu u sugno tirada saxda ah ee ciidamada qaranka ee kala duwan, meeshana uga saarno magaca iyo jiritaanka erayga caagle.

Taas oo fure u ah bilowga mushahar kordhin ballaadan

oo aanu u samaynayno ciidamada. Maanta askarigu

waxa uu mushaharkiisa toos uga helayaa khasnadda Qaranka.

Askariga iyo qoyskiisu waxa ay heli doonaan daryeel iyo adeegyo bilaash. Xukuumaddu waxay horumari doontaa nidaamka dallacsiinta iyo abaalmarinta ciidamada .

Waxa aannu tababarro cusub uga faa’idaynay in ka badan 700 oo sarkaal, kuwaas oo qaarkood aanu dalka dibaddiisa ugu dirnay tababarro heerkoodu sarreeyo.

Waxa aanu Teknoolajiyad iyo aqoon casri ah ku soo kordhinnay Laanta Socdaalka, iyo ciidamada ilaalada xeebaha oo aannu saddex-laab kordhinnay awooddooda sugidda ammaanka xuduud-biyoodkeenna. Waxa aanu sida oo kale kor u qaadnay heerka ammaanka dhammaan garoomada diyaaradaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Si loo adkeeyo difaaca qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, xukuumadaydu waxa ay maanta ku dhawaaqeysaa abuuritaanka Ciidamada kaydka Qaranka Jamhuuriyadda  Somaliland.

𝟐. 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝-𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐈𝐲𝐨 𝐃𝐢𝐛-𝐔-𝐇𝐚𝐛𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚:

Xoojinta iyo tayeynta maamulku waa seeska uu ku dhismo dawlad-wanaaggu. Annaga oo aragtidaas ka duulayna, si aannu u xoojinno awoodda shaqo ee xafiisyada dawladda iyo tayada adeegyada ay bixinayaan boqolkii maalmood ee hore waxaanu dib-u-habayn ku samaynay shaqada hay’adaha dawladda waxaana la xoojiyay hufnaanta iyo isla xisaabtanka.

Xukuumaddu waxa ay curisay ama kaabis, dib-u-eegis iyo wax-ka-beddel ku samaysay, xeerarka xayndaabka sharci u noqonaya daahfurnaanta iyo sarraynta sharciga.

Sida oo kalena waxaa la dhammaystiray siyaasadaha iyo qorshayaasha istaraatijiga ah ee seeska u noqon doona dib u habaynta maamulka iyo dawlad-wanaagga.

Muddo xileedkan kooban, Xukuumaddu waxay hirgelisay dib u habaynta cashuuraha iyo ururinta dakhliga dawladda iyada oo la tirtiray galdaloolo kasta oo wiiqaysay maamul-wanaagga dakhliga dawladda si loola dagaalamo musuqmaasuqa. Dakhliga dawladu saddex-biloodkii January ilaa March waxa uu kordhay 19%, marka la barbar dhigo labadii sano ee ka horreysay.

Xukuumadayda waxaa ka go’an inay xoojiso sarraynta sharciga, madaxda xukuumaduna ay kow ka noqdaan ku dhaqanka sharciga.

Xukuumaddu waxay bilowday qorshaha dib-u-habaynta garsoorka si loo xaqiijiyo cadaaladda, madax-bannaanida iyo kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan sharciga iyo nidaamka garsoor ee dalka.

𝟑. 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚: 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞;

Mudadii koobnayd ee ay Xukuumadaydu xilka haysay, waxa ay qaadday tallaabooyin la taaban karo oo fure u noqday dabar-ka-furista awoodaha dhaqaale ee Jamhuuriyadda  Somaliland.

▪ Waxa aanu bilownay dhismaha iyo dib-u- dhiska Waddooyin muhiim ah, kuwaas oo ah deegaanno halbowle u ah xoolo dhaqashada iyo beeraha ku xidhaya suuqyada gudaha, magaalooyinka iyo dekedaha dalka.

▪ Toddoba (7) waddo oo muhiim ah ayaa qaar la bilaabay dhismahooda, la dayactiray ama la dhammaystiray daraasaddii dhismahooda. Waxaa ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee Isku xidha Hargeysa/Balligubadle, iyo Boorama/Baki.

▪ Waxa aanu iyadana dhammaystirnay wejigii qiimaynta ahaa ee dhismaha dekedda Lughaya, taas oo dhabbaha u xaadhaysa in aynu mustaqbalka ka dhigno xuddun muhiim ah oo ganacsi.

▪ Xukuumaddu waxa ay go’aamisay hoos u dhigista qiimaha korontada ee magaalada Berbera oo laga bilaabo July 2025 noqon doona $0.20-dollar (labaatan centi) KW kii, kaas oo noqon doona qiimaha ugu jaban magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa iyana la xoojiyey shabakadda koronto ee magaalada Saylac taas oo saamayn toos ah ku yeelan doonta nolosha qoysaska magaalo xeebeedkan.

▪ Waxaa la dhammaystiray qodaalka 32 ceelbiyood, dhaamam iyo barkado, si muwaadiniinta deegaannada oomanaha ah loogu fududeeyo helitaanka biyaha cabbitaanka ah iyo waraabka xoolaha iyo beeraha, gaar ahaan  xilliyada  abaaraha.

▪ Waxa aanu caawimo farsamo iyo qalab, nidaamin, dhiirrigelin, iyo aqoon korodhsi u samaynay kalluumaysatada iyo beeraleyda dalka.

▪ Waxaa meel fiican maraya, qorshaha hirgelinta maalgashi dibadeed oo lagu wershadaynayo wax-soosaarka xoolaheenna ee hilibku uu ka mid yahay si loogu dhoofiyo suuqyada caalamiga ah.

𝟒. 𝐖𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐌𝐮𝐝𝐧𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐮 𝐥𝐞𝐡 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚:

Annaga oo ku salaynayna waxqabadkaas muddada kooban noo suurtagalay, istaraatijiyadda dhaqaale ee Xukuumaddu waxa ay xoogga saaraysaa, saddex aag oo aannu u aragno in ay kordhinayaan waxsoosaarka gudaha – GDP ee dalka iyo miisaaniyadda Qaranka.

𝟏. 𝐀𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐨𝐨𝐰𝐚𝐚𝐝: 𝐗𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐰𝐚𝐱-𝐬𝐨𝐨𝐬𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚:

▪ Kalluumaysiga: Waxa aanu dhammaystiri doonnaa casriyeynta iyo kobcinta kaabayaasha, iyo aqoonta farsamo ee kalluumaysiga, iyo suuqgeyntiisa gudaha iyo dibadda.

▪ Xoolaha: Waxa aanu sii xoojin doonnaa dadaallada bilowday ee horumarinta xoolaha. In la kordhiyo daryeelka caafimaadkooda iyo daaqsinkooda, iyo in dhoofka xoolaha nool lagu soo kordhiyo maalgashiyo dibadeed, oo dalka gudihiisa ku warshadeeya waxsoosaarka xoolaha.

▪ Beeraha: Si ay Jamhuuriyadda Somaliland u noqoto dal soo saara cunto ku filan, Waxa aanu xoojin doonnaa horumarinta beeraha, gaar ahaan nidaamka waraabka, daryeelka caafimaadka beeraha, warshadaynta fudud ee wax-soosaarka cuntada, iyo in aynu xoojinno suuqa gudaha ee wax-soosaarka beeraha.

▪ Xukuumadda wadajir iyo waxqabad waxay maaligelin dibadeed u heshay laba mashruuc oo lagu casriyeynayo, laguna hormarinayo wax soo saarka beeraha, kuwaas oo ay maalgelinayaan Hay’adda Pharo Foundation oo gelinaysa 20 million dollars, iyo dawladda Jarmalka oo gelinaysa 22 million oo dollars.

▪ Macdanta: Macdantu waxa ay ka mid tahay khayraadka waaweyn ee weli dihin. Qorshaha Xukuumadu waa in maalgelin dibadeed iyo mid gudabalooraadiyosilookordhiyosahaminteeda, soosaaristeeda iyo u dhoofinteeda suuqyada dunida.

𝟐.  𝐀𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝: 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚 & 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐝𝐮𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐧𝐬𝐡𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚:

▪ Cashuuraha: Casriyeynta nidaamka cashuur ururinta iyo ballaadhinta salka cashuuraha si dhaqaale loogu helo horumarinta muhiimka ah ee adeegyada dawladdu bixiso.

▪ Maalgelinta hal-abuurka ganacsiga: kobcinta maalgelinta hal-abuurka ganacsi ee muwaadiniinta gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka

▪ Dekedda Berbera: Waxaa naga go’an, ka faa’idaynta dekedda Berbera ee ballaadhinta iyo casriyeynta lagu sameeyey korna loogu qaaday tayada adeegyada ay bixiso si loo kordhiyo deegaannada xuduudka ka baxsan ee ay u adeegto dekeddu.

𝟑.  𝐀𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝: 𝐊𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐭𝐚𝐦𝐚𝐫𝐭𝐚

▪ Xukuumaddu waxay sii wadaysaa dhismaha iyo sii ballaadhinta Waddooyinka istaraatjiga ah, dekedaha, iyo garoomada diyaaradaha, si aynu wax ula qaybsanno suuqyada gobalka.

▪ Tamarta dabiiciga ah ayaanu iyadana xoojin doonnaa, Annaga oo maalgelin u raadin doonna tamarta laga dhaliyo qorraxda, dabaysha, iyo Hydrogen-ta, si koronto jaban loogu helo muwaadiniinta, adeegyada, waxsoosaarka iyo warshadaha. Magaalada Berbera iyo Boorama waxa baanka adduunku gelinayaa 30 million oo dollars taas oo lagu maalgelinayo korontada cadceeda lagu dhalliyo.

▪ Dhibaatada isbeddelka cimiladu waxa ay ka mid tahay caqabadaha ugu daran ee curyaamiya dhaqaalaha. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku jirtaa dalalka ay gaadheen raadadka dhibaato ee isbeddelka cimiladu. Waxaannu xil gaar ah iska saarnay daryeelka deegaanka,

xakamaynta biyaha iyo cunto yaraanta, iyo ka hortagga guud ahaan dhibaatooyinka isbeddelka  cimilada.

▪ Siyaasadda Xukuumadaydu waa in la ilaaliyo deegaanka, lala dagaalmo xaalufinta, muddo xileedka  xukuumadana   la  beero  saddex (3) million oo geed, taas oo u dhiganta in sannadkiiba 600,000 geed la beero. Maalinta Qaranka ee dhir beerista Jamhuuriyadda Somaliland oo loo asteeyey 15 ka April Sannad kasta, oo aannu daah-furnay Bishan Badhtankeedii in la beero 300,000 oo geed.

𝟓. 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚:

Waxa aannu aaminsannahay inay waajib tahay, in muwaadiniintu ay dawladda ka helaan adeegyo ay u siman yihiin.

Muddadii boqolka maalmood ahayd waxaa xukkuumadayda u suurtagashay inay dardargeliso adeegyada dadweynaha. Toddoba iyo todobaatan (77) goobood oo rugo caafimaad iyo cisbitaallo isugu jira ayaanu dib uga shaqaysiinnay, ama adeegyadooda dib u habayn iyo dardargelin ku samaynay. Taas oo kordhisay tirada hooyooyinka xilliga umusha la soo gaadhsiinayo rugaha caafimaadka gaar ahaan deegaannada ka fog goobaha  caafimaadka.

Sida oo kale waxa aanu bilownay dib u habaynta waxbarashada dalka. Talaabooyinka la qaaday waxaa ka mid ah casriyeynta iyo horumarinta manhajka oo lagu dari doono casharro waxtar u leh dhismaha bulshada kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha wacyiga wadaniyadeed ee ardayga, akhlaaqda iyo dhaqanka wanaagsan, ilaalinta deegaanka iyo la dagaalanka takoorka.

Waxa aanu culays saarnay in aannu dejinno qorshayaashii aanu ku hirgelin lahayn kordhinta tirada hablaha iskuulada gala (waxbarashada) iyo in la yareeyo ardayda waxbarashada ka hadhaya. Waxa kale oo aanu bilownay dejinta manhajka waxbarashada jeelasha, si looga hortago caadaysiga dembiyada, lana dhiirrigeliyo in maxbuusku marka la sii daayo uu bulshada wax tari karo, isna shaqeysan karo.

Waxaa Xukuumadda u suurtagashay in waxbarasho bilaash ah la siiyo qaybtii koowaad ee agoonta ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kalana, waxa aanu bilownay dib u habaynta shaqada iyo shaqaalaha dawladda, hirgelinta sanduuqa hawlgabka, iyo in kor loo qaado kaabayaasha shaqada fududeeya ee ay ka mid tahay teknoolajiaddu, taas oo 54 kii shaqaale ee ugu horreeyey lagu tababaray.

𝟔. 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡:

Waxa ay Xukuumadaydu dadaal weyn gelisay dib u soo noolaynta xidhiidhadii caalamiga ahaa, iyo saaxiibadii ay Jamhuuriyadda Somaliland ku lahayd dunida. Waxa aanu ka shaqaynay in codka Somaliland laga maqlo fagaarayaasha caalamiga ah.

Siyaasaddayadu waa in aannu dunida ku qancinno aqoonsiga Somaliland, kaas oo aynnu xaq sharci ah u leenahay cid kasta oo innagu garab siisana aynnu ugu hayn doonno abaal raaga iyo saaxiibtinimo ku dhisan dano is dhaafsi.

Waxaa sharaf noo ah, muddadii koobnayd ee Xukuumadani jirtay, in aannu kulamo midho dhal ah la yeelannay madaxda dawladda aynu saaxiibka nahay ee Isu-tagga  Imaaraadka  Carabta.

Waxa ay naga aqbaleen inay dalkeenna maalgashadaan iyo in ay gacan innaga siiyaan sidii wax-soo-saarka Jamhuuriyadda Somaliland loogu heli lahaa suuqyo cusub oo caalami ah. Sida oo kalena ay ganacsatada dalkooda ku dhiirrigeliyaan, kuna garabsiiyaan maalgashiga Jamhuuriyadda  Somaliland,  gaar  ahaan  dhinacyada Xoolaha, beeraha, kalluunka  iyo macdanta.

Hawshaas dhammaystirkeeda waxaa hadda ku hawllan guddiyo farsamo oo aynu labadeenna dhinac u magacownay.

Dawladda Imaaraadku waxa ay innaga caawin doontaa kaabayaasha caafimaadka, waxbarashada, Biyaha iyo waddooyinka.

Waxa aan ka qaybgalay shir-sannadeedka caalamiga ah ee dawladaha oo lagu qabto Magaalada Dubai, anniga oo martiqaad rasmi ah ka helay dawladda Imaaraadka. Shirkaas waxa ka soo qayb galay in ka badan 140 dal, waxaan yimaada madaxweynayaal, Raysal wasaarayaal, madaxweyne ku xigeeno, wasiiro, madax hore oo caan ah, shirkadaha dunida ugu waaweyn iyo maalgashadayaasha adduunka ugu waaweyn.

Shirkaasi waxa uu dardargeliyey xidhiidhada caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo in miisaankeenna diblumaasiyadeed uu ku soo noqdo fagaarayaasha caalamiga ah. Sida oo kale waxa uu ahaa fursad aynu suuq-geyn weyn ugu samaynay khayraadkeenna dihin ee maalgashiga caalamiga ah u baahan. Fariinteennii Jamhuuriyadda Somaliland ee aan ka dirnay shirkaas waxa ay gaadhay in ka badan 50 million oo qof oo dunida daafaheeda ku nool.

Waxa aanu xidhiidho iyo galangal muhiim ah oo diblumaasiyadeed la yeelanay, dalalka muhiimka ah ee innaga kaalmayn kara qadiyaddeenna. Waxaa ka mid ah Maraykanka oo aannu xoojinnay, dadaallada aanu ku sii dhiirrigelinayno danayntiisa Somaliland iyo Ingiriiska oon ka helnay kaalmo dhinaca ammaanka ah iyo iskaashiyo dhinacyo badan leh.

Dalalka saamaynta ku leh siyaasadda Geeska Afrika iyo daneeyeyaasha caalamiga ahiba, waxa ay innagu bogaadiyeen dadaallada qarameynta, nabadaynta, iyo dib u heshiisiinta ah ee aynu ka wadno goballada bariga Jamhuuriyadda  Somaliland.

Dadkayga waxa aan kala dedaalayaa dib u dhac nololeed iyo isku dhac umadeed, taas baana i faraysa in aan gacanna kaga shaqeyno horumarka,  gacanna nabadgelyada iyo ammaanka.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay sii xoojinaysaa xidhiidhka taariikhiga ah ee ku dhisan deris-wanaagga, walaaltinimada iyo iskaashiga, ee aynu la leenahay dalalka Ethiopia iyo Djibouti, Waxaanay qorshaynaysaa safarro aannu ugu bixi doonno dalalkaas.

Xukuumadda Somaliland mowqifkeeda ku aaddan imaatinkii Wasiirka 1aad ee Somalia ee deegaanka bariga Sool ee Somaliland, waxa ay ku cadaysay war murtiyeedkii aan ka soo saarnay shirkii 16aad ee Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ee aan shir gudoominayey Arbacadii, 16kii April 2025, kaas oo Jamhuuriyadda Somaliland ay ku laashay wada-hadaldii Somalia.

Xukuumadaydu waxa ay beesha caalamka ku wargelisay in imaantinka Wasiirka 1aad ee Soomaaliya uu yahay ku xad gudub Qaranimada Somaliland iyo dagaal qaawan oo Somalia ku soo qaaday Jamhuuriyadda Somaliland si ay ugu Khalkhal geliso, una wiiqdo dadaalada nabadaynta, iyo walaaleynta ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland waddo oo tacab weyn iyo halgan adag ku yimi. Mar labaad, Waxa aan ka digeynaa in xadgudubkaasi uu sababi karo colaado sokeeye oo soo degdega.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay dalalka deriska ah iyo beesha caalamkaba ku wargelinaysaa in ay sii wadayso dadaaladeeda nabadeynta, walaaleynta iyo deris wanaagga, haseyeshee, waxa ay xasuusinaysaa inay awood buuxda u leedahay in ay gardaro kasta iska

difaacdo.

  1. Midnimada Qaranka iyo dimuqraadiyadda dalka:

Mudane Guddoomiye, mudanayaasha sharafta leh,

Annaga oo ka duulayna aragtida siyaasadeed ee xukuumadda, iyo guulahan bilowga ah ee ay xukuumaddu gaadhay boqolkii maalmood ee u horreeyey, waxa aanu ka hawlgalnay dhammaystirka midnimada Qaranka, iyo qiyamka dimuqraadiyadda oo udub dhexaad u ah siyaasadayada.

Awoodda iyo sumcad wanaagga Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku yimaadeen, nidaamkeenna dimuqraaddiga ah, dhaqankeenna wada-tashiga iyo xallinta khilaafaadka ah, iyo adkaysiga dadkeenna. Waxa aannu qaadnay tallaabooyin muhiim ah oo aannu ku xoojinayno, waaritaanka xasiloonida, iyo wada- lahaanshiyaha  dawladnimada.

Waxa aannu aasaasnay hay’ad qaran oo u gaar ah nabadda iyo isu soo dhaweynta muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Oodo dhacameed sida ay u kala horreeyaan ayaa loo guraa ee, waxa aanu shaqada ka bilownay in dhammaan qaybaha bulshada aannu ka qaybgelinno talada qaranka, oo ay metelaad ku yeeshaan si aannu u soo noolaynno kalsoonidii muwaadinku ku qabay dawladdiisa.

Waxa aannu kulammo la yeelannay dhammaan qaybaha bulshadaeeayka midyihin GolayaashaQaranka, culimada, madaxda dhaqanka, Ganacsatada, aqoonyahanka oo isugu jira rag iyo dumarba, warbaahinta, iyo hal-abuurka iyo suugaanleyda, si aannu u dhegeysanno aragtidooda, iyo talada ay ku darsanayaan Qarankooda.

𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞;

Arrimahaas aannu ka warannay waxa ay ka turjumayaan, sida ay nooga go’antahay in aannu gaadhno himiladayada ah in la abuuro Somaliland ay midnimada, wax-wada-lahaanshiyaha, cadaaladda, nabadda, iyo dimuqraadiyaddu sees u yihiin dawladnimadeeda.

Waxa aanan illaabayn, in aan bogaadiyo beelaha walaalaha ah ee Ceel-afweyn wada-yaalla, madaxdooda dhaqanka, xildhibaanadooda, aqoonyahankooda iyo siyaasiyiintooda oo dhammaantood nagala shaqeeyey in la soo afjaro Colaadda innagu raagtay ee Ceel-Afweyn, ciidamadii labada beelood iyo hubkoodana lagu wareejiyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa aan sida oo kale u mahad naqayaa Salaadiinta, Cuqaasha iyo xeer beegtida ka garnaqaday soona afjartay colaaddii guunka hayd ee Ceel Afweyn oo iyagu aan muddo bilo ah arrintaas u kala kicin, una dhabar adaygay.

Waa guul weyn oo aynnu ku joojinnay dhiigga muwaadiniinta ee macno darrada ku daadanayey muddo ka badan 9 sannadood. Hadda ka dibna, waajibka noo yaallaa waa in aannu ka shaqayno horumarinta deegaanadaas.

Waxa aan u mahadcelinayaa beel kasta ama deegaan kasta oo qaramayeeyey gaadiidkiisii, hudbkiisii iyo ciidankiisii madaniga ahaa oo maanta noqday Ciidan Qaran oo aynu ku faanno.

Waxa aan dhammaantiin idinka codsanayaa in aynnu sacabka u tunno Madaxweyne ku xigeen-ka Jamhuuriyadda Somaliland walaalkay Maxamed Cali Aw Cabdi iyo wafdigiisii isugu jiray Wasiirro, Xildhibaanno, Madax-dhaqameed, Taliyayaasha Ciidanka iyo haldoor kale, oo arrintaas tacab, wakhti iyo dadaal Qarannimo ah geliyeen.

Hay’adaha Qaranka oo Baarlamaanku ugu muhiimsan yahay, iyo Axsaabta siyaasaddana waxa aannu ka codsanaynaa inaynu iskaashi, wada shaqayn iyo wadatashi ku gaadhno danta guud ee Qarankeenna iyo dhismaha  mustaqbalka wanaagsan  ee  ubadkeenna.

Muwaadiniinta waxa aan ugu bishaaraynayaa, guulaha la taaban karo ee aynnu gaadhnay muddadii koobnayd, in ay yihiin bilowgii, wakhtigii iyo shaqadii miisaanka lahaana ay inoo dambeeyaan.

𝐁𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐠𝐮𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐡:

▪ Dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland ee isugu jira hablo iyo innamaba, waxa aan ugu baaqayaa in ay isu diyaariyaan qaadista xilka ka saaran diyaarinta mustaqbalka dalkooda, inay ka qabgalaan dadaallada arrintaas lagu gaadhayo ee dawladdu waddo, iyo in ay hal- abuur iyo karti la yimaaddaan si ay iyagu hoggaanka uga qabtaan geeddiga.

▪ Waayeelka, hoggaanka dhaqanka, aqoonyahanka  iyo  bulshada,  waxa aan ugu baaqayaa in ay xikmaddooda, waayo- aragnimadooda, aqoontooda, iyo taariikhda ay hayaan uga faa’ideeyaan dadaallada dhismaha qaranka.

▪ Si gaar ah, Haweenkeenna oo udub dhexaad u ah bulshada, waxa aan ugu baqaayaa in ay kaalintooda ka qaataan dhismaha Qarankooda ay jecel yihiin.

Aynnu dhammaanteen ku hoos midowno calankeenna, gacmahana isu qabsanno dhismaha Qarankeenna iyo in aynnu gaadhno himiladeenna aqoonsi.

Alle ha barakeeyo Jamhuuriyeenna Somaliland … Nabadgelyo, Qarannimo iyo Horumarna ha ku waaro Qarankeennu Insha Allah.

𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝𝐬𝐚𝐧𝐢𝐝𝐢𝐢𝐧.

Related posts

Daawo Sawirada: Orodyahan Afrikan ah oo rikoor cusub u dhigay Orodka adduunka

Cabdi Cade

Booliiska dalka Kenya oo baadigoob ugu jira nin iska dhigi jiray wax uusan aheyn !

Cabdi Cade

Sargaal katirsanaa Ciidanka booliiska Soomaaliya oo galabta lagu dilay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---