Ciidamada booliiska gobolka Banaadir, ayaa maanta xabsiga dhigay nin dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in labo mar isku diiwaangeliyay doorashada galaha deegaanka ee la filayo in ay ka dhacdo gobolka Banaadir.
Ninkan , ayaa la sheegay in maalmo kahor isku- diiwaangeliyay doorashada ka dhaceysa gobolka Banaadir, waxaa mar kale ninkan maanta la qabtay isaga oo mar kale is-diiwaangelinaya.
Saraakiil katirsan guddiga doorashada iyo booliiska gobolka Banaadir , ayaa sheegay in la xiray ninkan labada mar is-diiwaangeliyay, waxa ayna xuseen in baaritaanno lagu sameenayo ninkan la qabtay.
Qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka socda diiwaangelinta cod-bixiyaasha doorashada xildhibaannada golaha deegaanka iyo duqa magaalada Muqdisho.