Allbanaadir.com
NEWS

Tallaabooyin uu qaaday Madaxweyne Trump oo dibadbaxyo dhaliyay

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka waa weyn guud ahaan dalka Mareykanka maalintii shalay oo Sabti aheyd, si ay uga mudaaharaadaan tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee uu qaaday Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Mudaaharaadyadan oo loo yaqaan “50501”, oo ah “50 mudaaharaad, 50 gobol, 1 dhaqdhaqaaq”, ayaa loo qorsheeyay in ay la jaanqaadaan sannad-guuradii 250-aad ee bilowgii Dagaalkii Xorriyadda ee Mareykanka.

Meelo badan sida dibedda Aqalka Cad, xarumaha ganacsiga Tesla, iyo bartamaha magaalooyinka waa weyn, dadku waxay muujinayeen cabashooyin kala duwan. Qaar badan ayaa codsaday in dib loo soo celiyo Kilmar Ábrego García, oo si khaldan loogu tarxiilay El Salvador.

Mudaaharaadyada siyaasadeed ayaa sii kordhaya gudaha Mareykanka, iyadoo mudaharaadyadii “Hands Off” ee billowgii Abriil ay soo jiiteen dad badan, xilli sahanno muujinayaan in sumcadda Trump ay hoos u sii dhacayso.

Gihad Elgendy ayaa u sheegay CNN in uu ka qayb galay mudaharaadka ka dhacay Aqalka Cad si uu u cambaareeyo tarxiilka Ábrego García. Wuxuu rumeysan yahay in Trump “si sahlan u cadaadin karo El Salvador si loo soo celiyo.”

Warbixinaha guud ahaan waxay sheegeen in mudaharaadyadu ahaayeen kuwo nabadeed, inkastoo Wakiilka Congress-ka Suhas Subramanyam oo Dimuqraadi ah uu bartiisa X, ee horrey loo oran jiray Twiter uu soo dhigay muuqaal muujinaya nin sito calaamad taageero u ah Trump oo xoog ku dhex maraya dadkii si uu si caro leh ula hadlo.

Mudaaharaadayaal badan ayaa watay boorar ay ku qornaayeen “No Kings” (“Ma jiro Boqor”), taasoo oo ay ku muujinayaan sannad-guuradii ka soo wareegtay markii uu dalka ka bilaabmay kacdoonkii lagaga soo horjeeday xukunkii Ingiriiska.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Heshiiskii guddiga farsamada Shirkii Baydhabo ee doorashada oo la soo bandhigay

Caydiid Ali

Toogasho ka dhacday magaalo kutaala dalka Faransiiska (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo hal arrin uga mahad celiyey Raisul Wasaare Mohamed Shia Al-Sudani

Caydiid Ali
Taboola Ads ---