Dagaal u dhexeeya ciidamada DF iyo al shabaab ayaa caawa ka dhacay degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa bilowday markii kooxo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhig ciidamada xooga dalka & NISA ku lahayeen Degaankaas.
Tacshiirad xoogan iyo qaraxyo ay isweydaarsanayeen labada dhinac ayaa laga maqlay degaanka taasoo cabsi ku abuurtay dadka degaanka.
Ciidanka DF ayaa la sheegayaa iney iska caabiyeen weerarkaas ay soo qaaday Al Shabaab, iyadoo saraakiisha amaanku sheegeen iney fashiliyeen qorshe kooxdaas ku dooneysay iney ku qabsato saldhigooda.
Saraakiisha ayaa intaas ku daray iney dagaalyahano badan ka dileen kooxdii soo weerartay kuwaasoo meydadkoodu yaalaan goobtii lagu dagaalamay, waxayna intaas ku dareen iney sii baacsanayaan firxad kooxda.
Xaalada degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa hadda degan inkastoo mararka qaarkood la maqlayo rasaas goos goos ah, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka caawa halkaas ka dhacay.
Xeelada Al shabaab u fududeysay qabashada Aadan yabaal & su’aalo taagan
Kooxda Alshabaab  ayaa gacanta ku dhigtay degmada qadiimiga ee Aadanyabaal ee Shabeellaha Dhexe maalmo ka hor. Degmadan ayaa la qabtay December, 2022. Muddo labo sano iyo dhawr bilood kadib gacanta kooxda Alshabaab ayay dib ugu laabatay. Balse Aadan yabaal shalay ma aysan ka bixin gacanta dawladda ee waxa ay ka baxday bil iyo bar ka hor.
Kooxda Alshabaab ayaa 21 February 2025 weerar ku soo kala qaaday labada deegaan ee kala ah Ceel Cali Axmed iyo Daarunimca. Deegaanka hore waxa uu ku yaallaa gobolka Hiiraan, halka deegaanka labaadna uu ku yaallo gobolka Shabeellaha Dhexe. Aadan yabaal waxa ay juquraafi ahaan ku taalla xadka saddexda gobolka ee Shabeelllaha Dhexe, Hiiraan iyo Galguduud. Haddaba, dhanka Hiiraan waxaa aag difaac u ahaa Ceel Cali Axmed oo ka jirtay jihada bari, halka jihada koon furbari ay ka jirtay Daarunimca oo Shabeellaha Dhexe ah. Labadaas deegaan waxa ay gacanta u galeen kooxda AS.
Haddaba, Aadanyabaal waxaa u soo hartay hal aag difaac oo ah jihada galbeed. Waxaana ka xigtay jihadaas degmada Moqokori oo gobolka Hiiraan ku taalla. Kooxda Alshabaab ayaa furin dagaal ka furtay deegaanka Abooray, iyagoo ka soo duulaya deegaanka Beeryabaal kana sii imaanaya Jicibow, iyaga oo webiga ka soo gudbaya.
Caadi ahaan, Webiga Shabeelle mara Hiiraan waxa uu gobolka u kala qaybiyaa labo jiho. Waa bari iyo galbeed. Jihada galbeed waxaa haysta oo ku xooggan Alshabaab. Jihada barina waxaa ku xoggan macawisleyda iyo dawladda. Haddaba, kooxda AS, si ay dhanka bari dagaalyahanno u keenaan waxay webiga kaga soo gudbaan laashash yaryar iyo buundooyin macmal ah. Jicibow, waa halka ay ka soo gudbiyaan dagaalyahannadooda. Markaa waxa ay dawladdu joogtay Beeryabaal oo ah deegaanka ku xiga Jicibow. Dagaal maalmo qaatay waa ay isaga soo baxday deegaankaas, iyaga oo ay ciidanka dawladdu u jihaysteen dhanka Abooreey. Kooxda Alshabaab, fursadaas ma aysan luminin ee waa ay ka daba dhaqaaqeen.
Ujeedka kooxdan webiga ka soo gudubtay ayaa ah inay Aboorey qabsadaan oo ka sii gudbaan oo galaan deegaanka Yasooman. Haddaba, labo sabab ayay Yasooman u rabeen kooxda. Tan koowaad waxaa ku yaallo buuro iyo hawd, tan labaadne waxa ay ka weerari karaan degmada Moqokori oo ah halkii aag difaac ee u haray Aadan yabaal.
Haddaba, isbuuc iyo bar oo ay kooxda iyo dawladda iyo macawisleyda ku wada dagaallamayeen deegaanka Aboorey kadib waa la isaga baxay. Ciidankii dawladda iyo kuwii deegaanka ayaa habeen hore u jihaystay dhanka Yasooman iyaga ooba ka sii gudbay. Kooxda oo aan jaaniskaas cafinin ayaa daba guurtay. Habeenkii Aboorey laga soo baxay subaxdeeda ayay dagaalyahannadii Shabeellaha Dhexe joogay weerareen Aadan yabaal.
Ciidanka dawladdu sabab ay u sii joogaan Aadanyabaal ma aysan jirin. Waayo, halkii aag ee difaac u ahaa ee Moqokori iyada ayaaba difaac ku jirta oo Abooreyda ay difaac u ahayd ayaaba la soo jabsaday. Aadanyabaal wax sidaas ah kama dhicin oo si caadi ah ayay ciidankii dawladda iyo kuwii deegaanka uga baxeen iyaga oo qaatay dhammaan saadkii kolka laga reebo raashinka.
Haddaba, caawa waxa ay ciidanka kala joogaan Guriceel Moqokori, halka ay Alshabaab joogta Aadan yabaal iyo buurihii Yasooman. Maalmaha soo socda, haddii aysan dawladddu weerar qaadin waxaa la weerari doonaa Moqokori. Degmada Moqokori jihada koonfur waxaa ka xigta Aadan yabaal oo ay Alshabaab haystaan. Jihada galbeedna Yasooman oo ay kooxdu joogto. Halka bari ay ka xigto Budbud oo ay Alshabaab joogto. Budbud waxa ay ku taallaa gobolka Galguduud. Halka waddo ee Moqokori u furan waa jihada waqooyi oo ah Maxaas, waana aagga difaac ee kaliya ee ay haysato Moqokori. Maxaasne waxaa u dhow Wabxo oo ay joogaan dagaalyahannadii Ceelbuur. Dawladdu waxaa u furan maalmaha xiga inay rogaalceliso ama isaga baxdo Moqokori, waayo, ma sii joogi karto istaraatiijiyad ahaan.
Degmooyinka go’doonka ku jira ee weerarka la kulmi kara waxaa ka mida Turdo, Jalalaqsi, Buula-burde iyo Moqokori. Isuma gurman karaan, iyagane waa go’doon. Ma maqli jirtay qaybi oo xukun, imika waa qaybi oo hadba mid weerar. Dawladdu waa inay la timaadaa istaraatiijiyad sax ah oo ay xoogga saartaa aagga Moqokori iyo dagaalka Alshabaab, halka ay xoogga saarayso aagga Shangaani iyo diiwaangelinta dadka.
Kooxda maadaama ay maalmahan dagaal adag ku jireen jabhadooda Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, inay yara nasiyaan ayaa suuraggal ah, balse la shaqo galiyo kuwa Shabeellaha Hoose iyo Galguduud. Haddaba, waxaa habboon inaysan dawladda siinin jaanis ay ku nasato. Waa in kooxda degdeg lagu rogaalceliyaa.
Wixii ka dhacay degmada Aadan Yabaal ma ahayn wax si caadi ah iskaga dhacay, khasaaraha meesha ka dhacay wuxuu ka badan yahay waxkasta oo loo maleyn karo.
Taliskan Aadan Yabaal wuxuu ahaa taliska guud ee laga hago dagaaladda ka socda shanta gobol ee Shabeelada dhexe, Shabeelada hoose, Hiraan, Galgaduud iyo Mudug.
Taliskan waxaa ku sugnaa ciidamo lagu qiyaasay 3800 ilaa 4000 askari
Taliskan waxaa yaalay hub iyo Saad badan iyado waliba maalmiihii u danbeeyay la keenay hub iyo Saad cusub oo lagu xoojinayey deegaanada kale ee dagaaladu ka socdaan.
Taliskan qaabka u diyaarsanaa, cududa ciidan ee joogtay, hubka iyo saadka yaalay, qorshaha dowlada kuma jirin in kooxda Al-Shabaab ay qabsan karto ama soo wajihi karto ama soo hawaysan karto.
Ciidamadii joogay taliskani waxay la kulmeen musiibo dad samee ah tii ugu adkayd, boqolaal askari ayaan lahayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen, boqolaal kale ayaa hawdka ku firxaday oo aan garanayn meel ay joogaan, boqolaal kale ayaa firxadkii galay konfurta Mudug, boqolaal kale ayaa lug ku galay deegaanada gobolka Hiiraan sida degmada Mokoqori, boqolaal kale ayaa ku dhintay, halka boqolaal kalena ay ku dhawacmeen, inta aynu sheegnay qolo kasta waxaa ka mid ah sarakiil darajo kasta leh halka taliyihii ciidamada dowlada Soomaaliya iyo gudoomiyihii maxkamadda ciidamada diyaarad lagaga soo qaaday gobolka Hiiraan hadana la keenay magaalada Muqdisho.
Waxaa jiray dagaalo sidan oo kale khasaare ka dhashay sidii kii cows- weyne, galcad, budbud, masagawaay, sabiid iyo kuwii kaleba laakin intaaba kani wuu ka duwana inkasto ay ahayd in baadhis weyn la geliyo oo isla xisaabtan laga sameeyo hadana lama samayn. Hadda waxaa loo bahan yahay in baadhis rasmi ah la sameeyo ama guddi ha loo saaro am cid kale ha loo diree wan in layskala xisaabtama waxaa dhacay.
Su’aalahan waa in laga jawaabo
- Sahankii ciidamada maxaa ku dhacay side ayey u ogaan waayeen weerarka baaxada leh ee ku soo maqan?
- Siday ku dhacday cududa ciidan ee intaa leeg inay is difaaci kari weydo oo la burburiyo?
- Siday ku dhacday in waxba laga baran kari waayo dagaalka isku style ka ah ee Shabaab soo qaado?
- Ma waxaa jiray ciidan gudaha ah oo la shaqaynayey shabaabka?
Su’aalahan iyo kuwa kale oo badan ayaa jawaabo u baahan hadii aan tan layskula xisaabtamin, ma filayo inay jiri karto wax kale oo lays weydiin karo.
Mohamed Soomaali
Muqdisho,