Dagaal u dhexeeya ciidamada DF iyo al shabaab ayaa caawa ka dhacay degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa bilowday markii kooxo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhig ciidamada xooga dalka & NISA ku lahayeen Degaankaas.
Tacshiirad xoogan iyo qaraxyo ay isweydaarsanayeen labada dhinac ayaa laga maqlay degaanka taasoo cabsi ku abuurtay dadka degaanka.
Ciidanka DF ayaa la sheegayaa iney iska caabiyeen weerarkaas ay soo qaaday Al Shabaab, iyadoo saraakiisha amaanku sheegeen iney fashiliyeen qorshe kooxdaas ku dooneysay iney ku qabsato saldhigooda.
Saraakiisha ayaa intaas ku daray iney dagaalyahano badan ka dileen kooxdii soo weerartay kuwaasoo meydadkoodu yaalaan goobtii lagu dagaalamay, waxayna intaas ku dareen iney sii baacsanayaan firxad kooxda.
Xaalada degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa hadda degan inkastoo mararka qaarkood la maqlayo rasaas goos goos ah, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka caawa halkaas ka dhacay.