Mareykanka ayaa caawa qaaday 13 duqeyn cirka ah oo si isdaba joog ah uga dhacay dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada istiraatiijiga ah ee Xudeyda, ee dhaca waqooyi-galbeed Yemen.
Duqeymahan ayaa lagu beegsanayay goobaha ay Xuutiyiintu isticmaalaan, iyadoo la sheegay in weerarka uu qayb ka yahay olole ballaaran oo Mareykanku ku doonayo in lagu wiiqo awoodda Xuutiyiinta ee marin-biyoodka muhiimka ah ee Babul-Mandab.
Xudeyda ayaa ah mid ka mid ah dekedaha ugu muhiimsan Yemen, waxayna kaalin weyn ka ciyaartaa sahayda cunto iyo gargaar bani’aadamnimo ee dalkaas colaadaha ragaadiyay. Ilaa hadda lama xaqiijin tirada saxda ah ee khasaaraha dhimasho ama dhaawac, balse ilo deegaanka ah ayaa sheegaya jug culus iyo khasaare hantiyeed oo baaxad leh.
Mareykanka weli kama uusan hadlin faahfaahinta duqeymahan, halka Xuutiyiintuna aysan si rasmi ah uga jawaabin.
Dhinaca kale, Xuutiyiinta Yemen, waxay ku dhawaaqeen inay maanta soo rideen diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ee MQ-9 Reaper, waxayna noqonaysa diyaaraddii 20 aad oo noocan ah oo ay Xuutiga ka soo ridayaan Mareykanka, mid kasta oo ka mid ah diyaaradan wuxuu qiimaheedu joogaa 33 milyan oo dollar , isku darku waa 660 milyan oo dollar