Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Putin oo ku dhawaaqay xabad joojin hal Maalin ah

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay xabbad-joojin hal maalin ah ee dagaalka  Ukraine oo ku eg saqda dhexe ee habeen dambe

Waxaa uu sheegay xabad joojintaas tahay mid bani’aadanimo oo loogu talagalay ciidda masiixiyiinta ee Easter-ka, isagoo tilmaamay inuu rajeynaynayo inay la qaadato Ukraine.

Isla markii hadalkan uu soo baxay, taliska dhexe ee milatariga Ukraine ayaa ku dhawaaqay inaysan jirin wax xabbad-joojin ah, halka wasiirka arrimaha dibadda Ukraine, Andrii Sybiha uu sheegay inay kaliya Ukraine oggolaan doonto xabbad-joojin 30 maalmood ah, taa oo miiska saaran tan iyo bishii la soo dhaafay ee Maarso, wuxuuna ku tilmaamay  Putin , mid aan la aamini karin oo wax uu ku ciyaaro ka dhigtay dhiigga dadka Ukraine.

Dhinaca kale, Shabakadda Bloomberg, ayaa ku warrantay inuu Mareykanka diyaar u yahay inuu jasiiradda Crimea ee Ruushka uu ka qabsaday Ukraine , sannadkii 2014, si rasmi ah ugu aqoonsado inay tahay dhul uu Ruushka leeyahay , taa oo lagu sheegay tallaabadii u dambeysay oo Trump uu ku doonayo heshiis nabadeed oo lagu joojiyo dagaalka Ukraine, iyadoo sidoo kale walaac laga muujiyay go’aanka uu Mareykanka ku aqoonsanayo dhul xoog lagu qabsaday inay burburinayo sharciyada caalamiga ah , albaabadana u furayso inay dunidda gasho iskuday ay dalalku ku qabsadaan goobo ka baxsan dhulkooda.

Related posts

Qatar oo Halis cusub galisay Nolosha Dhalinyaradii Soomaaliyeed ee loo qaaday Eritrea !

Cabdi Cade

Fanaanad kale oo maanta Cudurka Covid-19 ugu geeriyootay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Xubno ka Socday Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo la kulmay Hogaamiyaha TPLF

Cabdi Cade
Taboola Ads ---