Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay maalinta berri ah ama maalmaha xiga ay soo gaaraan 1,200 oo askari oo ka tirsan ciidanka milateriga Turkiga.
Sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah. Ciidamadan ayaa la qorsheynayaa in loo daabulo gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, halkaasoo ay saldhigyo ka samaysan doonaan si ay kaalin muuqata uga qaataan sugidda amniga iyo hogaaminta dagaalka Al shabaab.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada la dejin doono deegaanada Aadan Yabaal iyo Wabxo, kuwaasoo muhiim u ah xasiloonida gobolka.
Dowladda Turkiga ayaa bilihii lasoo dhaafay waday hawlgallo sahmin shidaal ah oo ka socda xeebaha Galmudug iyo Hirshabeelle. Waqtigan la joogo, waxaa la galay wejigii labaad ee qodista, taasoo keentay in dowladda Turkiga ay dardar galiso dadaallada ay DFS isaga kaashanayaan ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee ku sugan aaggaas.
Hawlgalkan ayaa u muuqda mid la jaanqaadaya xiriirka istiraatiijiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo sahminta kheyraadka dabiiciga ah.