Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo duqeeyey Markab laga leeyahay Turkiga

Markab shidaal oo ay leedahay shirkad Turkiga laga leeyahay ayaa ku sugnaa dekedii Yemen ee la la beegsaday duqeyn Maraykanku qaaday

Ilo-wareedyo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa xaqiijiyay in markab shidaal oo ay maamusho shirkad Turkiga laga leeyahay uu ku sugnaa dekedda Ras Isa ee xeebta galbeed ee Yemen, xilligii ay Maraykanku ka  fuliyeen duqeyn cirka ah fiidnimadii 17-ka Abriil, taasoo lagu bartilmaameedsaday xarun ay gacanta ku hayaan Xuutiyiintu.

Ankara waxay xaqiijisay joogitaanka markab Turkiga ah oo ku sugnaa dekedaas la duqeeyay , iyadoo sheegtay inay arrinta si weyn ula socdaan.

Ilo-wareedyadani waxay sheegeen in markabka ay soo gaareen qasaare   yar balse aysan soo  gaarin waxyeello culus oo hor istaagi kara  dhaqdhaqaaqiisa.

“Markabku wuxuu isku dayay inuu ka tago dekedda kaddib weerarka, balse maamulka maxalliga ah ee dekedda gacanta ku haya ayaa ka hor istaagay inuu shiraacdo”

Warbixinnadu waxay sheegayaan in dhammaan maraakiibtii halkaas taagnayd laga hor istaagay in ay dhaqaaqaan intii duqeynta Mareykanku socotay, waxayna maraakiibtaasi isugu tageen meel cayiman  iyagoo sugaayay xaaladda.

Markabka waxaa saaran 26 shaqaale ah, oo ay ku jiraan 4 Turki ah, midkoodna waa kabtankii markabka, halka inta kale ay yihiin Hindi. Waxaa la xaqiijiyay in dhammaan shaqaalaha markabku caafimaad qabaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga oo kaashaneysa safaaradda Turkiga ee Sanca waxay bilowday tallaabooyin lagu hubinayo in markabka laga saaro Yemen.

38 shaqaale ah ayaa ku shahiiday, 102 kalena  wey ku dhaawacmeen kadib markii xarunta saliidda ee Ras Issa lagu beegsaday duqeymo cirka ah oo taxane ah, taasoo ah gardarro dagaal oo ay gaysateen  ciidanka Maraykanka, laguna bartilmaameedsaday dhammaan shaqaalihii goobta” ayaa lagu yiri war ay soo saartay kooxda Xuutiyiinta Yemen.

Related posts

Ra’isul Wasaaraha UK oo Xaflad aroos oo qarsoodi ah dhigtay iyo hadal heyn ka dhalatay

Cabdi Cade

Weerar lagu qaaday Masaajid oo dad badan lagu dilay kuwana lagu afduubtay 

Cabdi Cade

Xassan Shiikh iyo wafdigiisa si lagu soo dhoweeyey degaanka Baxdo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---