Allbanaadir.com
NEWS

Imaaraadka oo la sheegay in uu doonayo in Puntland ka jaro Soomaaliya

Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa inta badan lagu eedeeyaa in dalalka xasaradaha ka jiraan uu ka abuuro khilaafaad siyaasadeed iyo khalalaaso, waxa uuna dalalkaasi ka dhisaa kooxo iyo maamulo isaga uu taageero, si uu saameyn ugu yeesho mustaqablka.

Wargeyska The Economist, ee kasoo baxa magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska, ayaa qoray in Imaaraadka Carabta doonayo in maamulka Puntland oo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya , ka dhigo maamul gooni-u-goosad ah.

Waxa uu qoray wargeyska warbixin cinwaankeedu yahay “Imaaraadku wuxuu dalkiisa ku boorriyaa midnimo, halka dalalka dibeddana uu kala qeybsanaantooda ka shaqeeyo” ayuu wargeysku ku xusay in Boosaaso ka mid tahay meelaha uu Imaaraadku ka samaystay saldhigyo ciidan.

Wargeyska, ayaana sheegay in Imaaraadka Carabta uu caawiyo maamulo gooni-u-goosad ah , sida golaha KMG ee ka jira koonfurta dalka  Yemen, waxa uu sidoo kale tilmaamay in Imaaraadka xiriiro la sameestay maamulkua Somaliland oo raba in uu ka go’o Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Khariidadda wargeyska The Economist u isticmaalay warka uu qoray ayaa muujinaysa in dhulka maamulka SSCK si gaar ah loo midabeeyay si loo muujiyo in labada maamul midna uusan siyaasad ahaan ka talinin dhulkaas.

Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa saldhigyo ku leh magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxa ay sidoo kale Imaaraadka maamulaan dekadaha Boosaaso iyo Berbera, iyaga oo saameyn toos ah ku lleh madaxda maamulada Puntland iyo Somaliland.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Karaash: “Shacabka reer SSC awalba garab istaag kamay filayn Xamse”

Caydiid Ali

Hogaamiyaasha Soomaalida ee Qurbaha ka yimid iyo Beesha Caalamka !!

Cabdi Cade

Qoorqoor oo diyaariyay shirqool lagu baabi’inayo awooda ciidan ee kooxda Ahlusunna

Caydiid Ali
Taboola Ads ---