Allbanaadir.com
NEWS

Fariin katimid Boqorka Sacuudiga oo la gaarsiiyay Ayatullah Khamenie

Amiir Khalid bin Salman Al Saud, Wasiirka Difaaca Sacuudiga, ayaa fariin uu ka siday Boqorka dalkiisa Boqor Salmaan Bin C/casiis u geeyay Ayatullah Ali Khamenei, Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Wuxuu sidoo kale Tehran, kula kulmay oo uu wada hadal la yeeshay Madaxweynaha Iran Masoud Pezzekian. Ilaa hadda si rasmi ah looma daabicin farriinta uu boqorka Sucuudigu u diray hoggaamiyaha Iran, balse sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee IRNA, Cali Khamenei waxa uu kulanka ka sheegay in xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo Sucuudiga “uu noqon doono mid faa’iido u leh labada waddan.

Sida laga soo xigtay warbixinta, Mr. Khamenei ayaa sidoo kale yiri: “Balaarinta xiriirka labada dal wuxuu leeyahay cadaw ay tahay in laga gudbo ujeedooyinkaas cadowtinimo, annaguna diyaar ayaan u nahay arrintan.”

Wasiirka Difaaca Sacuudiga ayaa ah mas’uulkii ugu sareeyay ee Sacuudiga ee booqda Iran tan iyo markii ay labada dal dib u soo celiyeen xiriirkooda siyaasadeed.

Booqashada Mr. bin Salmaan ayaa ku soo beegantay ka hor wareegii labaad ee wada hadalada Iran iyo Mareykanka, kaasoo lagu wado inuu qabsoomo Sabtida.

Related posts

Boqorka Charles III ee UK oo la caleemo saaray iyo dad badan oo la xirxiray (Sawirro)

Caydiid Ali

Coronavirus oo caga dhigtay Jabuuti & kiiskii ugu horeeyey oo laga helay

Caydiid Ali

Tirakoob cusub oo laga soo saaray khasaaraha daadadkii ku dhuftay Magaalada Qardho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---