Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid,” oo maalmo ka hor ku soo laabtay Muqdisho ayaa maanta hadal uu jeediyay ku sheegay in “amni-darada dalka ka jirta ay gaartay heer ay dowladdu difaac ka gasho Balcad iyo Afgooye.”
Saacid ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad uu maanta kaga dhawaaqayey musharaxnimadiisa Madaxweynaha 2026 isagoo sidoo kale daahfuray xisbigiisa cusub ee Nagaad.
“Amni darada dalka ka jirta waxay gaartay in difaacyo laga galay Balcad iyo Afgooye marka aan fiiriyay xaalada dalka waxaan ka baqayaa in la dhaho hada ka hor wadan Soomaaliya la dhaho ayaa jiray” ayuu yiri Musharax Madaxweyne Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Hadalka Saacid ayaa si degdeg ah u abuuray hadal heyn & dood ballaaran oo ku saabsan aragtida iyo doorka siyaasiyiinta mucaaradka ah ee inta badan fadhigoodu yahay Nairobi iyo dibadda, kuwaasoo marar badan Muqdisho ku tilmaama meel aan amni ahayn.
Hadalka Saacid ayaa ka falceliyey Wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya Axmed macalin Fiqi oo ku sifeeyey qof aan xog ogaal aheyn.
“Nin Seedigeen ah oo aanba magaalada gudaha u galin oo boorso iska wata ayaa intuu Xamar yimid la soo istaagay Xamar waa Dhufeys, Seedi waa kuu jawaabeynaa hadaa amniga wax ka sheegto” ayuu yiri Wasiir Fiqi oo ka jawaabay hadalkii maanta kasoo yeeray Musharax Madaxweyne Saacid.
Hadalada labada masuul ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada. waxaana siyaabo kala duwan uga falceliyey siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada.