Allbanaadir.com
NEWS

DF oo Sacuudiga kala hadashay kiiska Maxaabiista Soomaalida

Dawlada Soomaaliya iyo Sucuudiga ayaa markii u horraysay ka wada hadlay sii daynta maxaabiis Soomaali ah oo tiradoodu boqol ka badan tahay, kuwaasoo qaybo ka mid ah dil lagu xukumay

Maxaabiista ayaa in muddo ah waxa ay ku xirnaayeen gobolka Najraan ee koonfurta dalka Sucuudiga

Sida ay qunsuliyadda Soomaaliya ee magaalada Jiddah sheegtay, dadka maxaabiista ah, gaar ahaanna, kuwooda dilka ku xukuman ayaa la qabtay iyaga oo daroogo gelinaya dalka Sucuudiga.

Qunsulka Guud ee Soomaaliya ee fadhigiisu yahay dalka Sucuudiga, Cabdiweli Xirsi Cabdille (Indhoguran) ayaa todobaadkan booqday meelaha ay ku xidhan yihiin maxaabiista Soomaalida ah.

Qunsulka ayaa sheegay in uu la kulmay amiirka mandiqaddaasi Jalami Bin Cabdicasiis Aala Sacuud iyo taliyaha xabsiga ay maxaabiistani ku jirto, halkaasoo uu sheegay in uu ku soo arkay qaybo kala duwan oo maxaabiis ah.

Waxa uu sheegay in dadka xidhan ay isugu jiraan qaar xukuman, kuwo xukun sugayaal ah iyo qaar aan weli maxkamad la saarin.

“58 ka mid ah dadkaasi waa xukuman yihiin. Todoba iyo konton ayaa maxkamad saaran. Waxa jira 9 xubnood oo xabsi ku jira. Si guud tiradu waxa ay ka badan tahay boqol qof” ayuu yiri.

Qunsulka ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee dadkaasi ay aad u wanaagsan tahay balse ay qabaan tabashooyin aan weli laga jawaabin.

Muddooyinkii la soo dhaafay waxa soo xoogaysanayay wararka la xidhiidha xaaladda maxaabiistan, gaar ahaan in la furdaamiyo kuwa dilka ku xukuman.

Waxa jirtay in mid ka mid ah dadka xidhan ee Soomaalid ah lagu fuliyay xukun dil ah.

Waxaana walaacu uu sii kordhay markii sida la sheegay xukunno dil ah lagu fuliyay maxaabiis la kiis ah oo u dhashay dalalka Yaman iyo Itoobiya.

Dawladda Soomaaliya ayaa Sucuudiga kala xaajootay wadiiqooyin dadkaasi lagu sii dayn karo ama ugu yaraan lagu soo celin karo dalkooda Soomaaliya.

“Waxa jirta in marar badan badan labada dawladood ee Sucuudiga iyo Soomaaliya ay ka wada hadleen sidii maxaabiistan loo sii dayn lahaa ama dalkoodii dib loogu celin lahaa. Laakiin wax badan kama suurtagelin waxaan se qabnaa rajo fiican, ayaa uu yiri Cabdiweli Xirsi Cabdille.”

Maxaabiistan ayaa halkaasi ku xidhan inta u dhaxaysa lix ilaa siddeed sannadood ayaa uu hadalkiisa raaciyay qunsulku.

Related posts

Shirka Muqdisho oo la sheegay in uu aarsi u yahay kii ka dhacay Masar 1997-dii !!

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo booqday dhaawacyo laga keenay dagaalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Qaabka loo Ansixin doono Wasiirada cusub ee Puntland oo go’aan laga gaaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---